Madaxweyne Farmaajo “Farahooda ayaa Ka muuqda in weerarkaas Al-Shabaab Ka dambeeyaan,, (Warbixin)

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyaan weerarkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara taariikha Soomaaliya, ee 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaddib markii baabuur xamuul ah uu isku qarxiyay Isgoyska Zoobe.

Weerarkan Argagixiso ayaa waxaa ku dhintay illaa saddex boqol oo ruux oo shacab ahaa, halka tiro intaa ka badan ay ku dhinteen.

Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siiyay Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Afka English-ka ayaa sheegay in Al-Shabaab farahooda ka muuqdo weerarkii Sabtidii, isla markaana uu yahay wax ay sameyn jireen.

“Tani Farahooda ayaa ka muuqda, waana wax ay sameyn jireen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday beesha Caalamka in gacan lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii Al-Shabaab ku guuleysato dagaalka ay u fududdahay inay fikirkooda xun ay gaarsiin karaa dhalinyarada Yurub iyo Ameerika.

“Hadii ay halkan ku guuleystaan, waxay fursad u helayaan inay fikirkooda xun iyo fikirkooda siyaasadeed ay gaarsiiyaan dhalinyarada Yurub iyo Mareykanka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan u maleynayay inay sheegan doonaan, laakiin waxay og yihiin inay mas’uuliyad aad u weyn ay noqon laheyd”ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay xasuuqa uu weerarkaas geystay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtidii ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, iyadoo calanka hoos loo dhigay, maalmaha baroor diiqa iyo gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa wali halkeeda ka soo socda.
Hey’addaha ammaanka ayaa caawa lagu wadaa inay soo bandhigaan macluumaad ku saabsan weerarkii lagu hoobtay ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment