Faarax Sh.C/Qaadir :” Imaaraadku waxaa uu rabaa dhaawaca Xiriirka Somaliya iyo Turkiga”

Bulsha:- Dowladda Imaaraadka oo muddo ka badan dhowr iyo 20 sanno bannaanka ka joogay siyaasadda Soomaaliya, ayaa saddexdii sanno ee u dambeeyey la soo baxday galaangal & weji cusub, waxaanna tillaabooyinka ilaa hadda ay ku dhaqaaqday Imaaraadka ee wax la iska weydiinayo ka mid ah:

1) Hubkii ay ka soo dejisay Dekadaha Boosaaso, Kismaayo & Berbera.

2) Heshiiskii ku saabsanaa dhismaha Dekadda Berbera ee ay la gashay Somaliland.

3) Shirkii ay dhowaan Dubai isugu yeertay Madaxda Maamul Goboleedyada Magaalada Dubai.

4)Amaan Xumada Dalka Qaar kamid ah oo ay Sida lasheegay Lug Ku leeyihiin.

5)Dhaqaale badan oo ay madaxda Maamul Goboleedyadu siiyeen Si Markasta loo khilaafo Goaamada Dowladda Dhexe.

Ganacsiga Soomaaliya Yimaada waxaa marin u ah Dekadaha Imaaraadka, haddii Dekadda Muqdisho ay furanto Imaaraadka waxeey weynayeen dhaqaalihii canshuurta ee ka soo geli jiray duulaankooda, Tan kale, Turkigu dan kasta ha wate ilaa hadda wax wanaagsan ayuu ka sameeyey Soomaaliya, waana walaal soo gurmaday ..
Imaaraadka hal sheey ayeey rabaan oo keliya in ay curyaamiso xiriirka Turkiga & Soomaaliya, waxeey doonayaan in Soomaaliya ay ahaato meel gaajo ah, oo aan wax horumar ah ka jirin Markastana Ayaga Gacmaha Loo Hoorsado.

W/Q: Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment