DAAWO: Dawladda Qadar oo Tababar usoo xidhay Diblumaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya iyo Munaasibad

Bulsha:- Diblumaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya ayaa Tababar loogu soo xidhay magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qadar, Waxayna intii uu Tababarku u socday ka Faa’iidaysteen Casharo kala duwan oo la Xidhiidha Siyaasadda Arimaha debeda iyo sida Dalalka Horumaray ay u Maareeyaan.


Tababarkan ayaa sidoo kale waxaa ka Faa’iidaystay Diblumaasiyiin ka socday Dalka Suuriya iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qadar.

Waxaa Munaasibad Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyey Loogu qabtay Wasaarada Arimaha debedda ee dalka Qadar, waxaana Kasoo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Qadar kuwaasi oo sheegay inay ka go’antahay inay Caawiyaan oo Barbar istaagaan Walaalahooda kale.

Intii uu kulanku socday waxaa Dawladda Soomaaliya lagu Ammaanay Tallaabooyinka wanaagsan ee ay u qaaday dhinaca Dawladnimada iyo Horumarka, waxaana la xusay inay taasi muujinayso inay soomaaliya soo ceshato doorkii ay ku lahayd Caalamka, Waxaana sidoo lae lagu Ammaanay Xukuumadda Soomaliya doorkii dhex-dhexaadnimo ee Xiisada Khaliijka ay ka qaadatay.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mukhtaar Cali Yuusuf ayaa sheegay inay Dhalinyaradu si wanaagsan uga Faa’iidaysteen Tababarka, Islamarkaana ay yihiin kuwa oo Waciygoodu sareeyo, Wuxuuna u mahad celiyey Wasiirka Arimaha debedda Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Dhamaan Howlwadeenada Wasaaradda, Sidoo kale wuxuu Dawladda Qadar uga mahad celiyey Taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment