Qiso Noogu Filan Cibro Qaadasho – Raboow Quwadiisuu igu boobee, Quwadaada iigu hiili..

Bulsha:- Tani waa qiso xanuun badan oo ku dhacday nin saalix ahaa oo faqiir ahaa, maalin ayuu u kaluumaysi tegay Bada maalintii oo dhan shebegiisii waxba umay gelin, goor qoraxdii ku sii dhawdahay inay dhacdo oonu waxba haynin gurigiina ay kaga danbeeyaan uun caruur gaajoonaysa oon waxba haynin, ayuu shebegiisii ku tuuray Bada isagoo aad u werwersan , waxaa u soo galay shebegii Kaluun aad u wayn, ninkii ayaa farxay oo kaluunkii qaatay intii uu jidka sii socday waxaa la kulmay Boqorkii xukumi jiray gobolkiisa oo tamashle iyo dalxiis u soo baxay, boqorkii wuxuu arkay ninkan wuxuu sito inuu yahay kaluun, ilaaladiisii ayuu amray inay ka qaadaan kaluunka ninka miskiinka ah, ninkii faqiirka ahaa oo fara madhan ayaa gurigiisii ku noqday isagoo murugaysan,

Ninkii boqorka ahaa wuxuu tegay qasrigiisii wuxuuna u yeedhay xaaskiisii oo wuxuu tusay Kaluunkii waynaa si ay ugu faraxdo labadooduba waxay soo qaateen mindiyo si ay ugu baashaalaan oo Kaluunka u jarjaraan una diyaariyaan sidii ay u cuni lahaayeen, Kaluunkii oo uu Jarayo ayaa gacanta boqorku ku dhacday kaluunka afkiisa, waxaa muday ilig ka mida ilkihii kaluunka , wax kaar iyo darbad la yidhaaho oon la qiyaasi karin ayaa ku bilaamay boqorkii,

Habeenkaa ma seexan , markii Boqorkii xaaladu ku adkaatay ayaa loogu yeedhay dadka dawada , waxayna kula taliyeen in gacanta laga jaro Boqorka, taas markii la sameeyey kumuu caafimaadin xanuunkii waa ku sii kordhay, waayo gacanta xageeda sare ayaa sii caabuqday, hadana dadkii caafimaadku waxay kula taliyeen in gacanta meel sare laga jaro, laakiin taasina waxba ma tarin xanuunkii waa ku sii batay,

Mudo ka dib ayuu xasuustay dhibaatadii ninkii faqiirka ahaa uu u gaystay , wuxuuna amray in la raadiyo ninkii faqiirka ahaa waana la soo helay!

wuxuu uga cudur daartay dhibaatadii uu gaadhsiiyey, wuxuuna ka codsaday inuu u duceeyo,

wuxuu waydiiyey su’aal Boqorku: markii aan kaa qaaday kaluunka maxaad tidhi ayuu yidhi?
ninkii saalixa ahaa ee faqiirka ahaa ayaa yidhi: markaad sida xooga ah igaga qaaday kaluunkii ee aan socday ayaan xasuustay dhibaatadii aan u soo maray kaluunkaas iyo rafaadkii waxaan kaloo xasuustay baahidii caruurtayda iyo gaajadii haysay dabeed duco dheer ma akhrin e waxaan idhi kelmad qudha oo ah( Raboow Quwadiisuu igu Boobee ,Quwadaada iigu hiili)
_______________
(Kun qiso & Qiso)

Qalinkii fanax Fariid











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment