Qisadii Ugu Yaabka Badneyd: Haweeneydii la Saxiibtay Ninkii dilay Walaalkeedii ay Jecleyd & Xabsigii…

Bulsha:-Gabadha lagu magacaabo Denis Taylor waxa ay ka qalin jabisay waxbarashada kuleejka markii la dilayay walaalkeed Bo, muddo sanado ah ayayna ku qaadatay in ay ka sabarto walaalkeed.

Sidoo kale muddo sanado ah ayay ku qaadatay in ay xabsiga kasoo siidayso ninkii dilay walaalkeed.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay Denise iyo qoyskeeda tageen dhagaysiga maxkamad la xiriirta ka qafiifinta mudada xabsiga ee ninka walaalkeed dilay Ronald Fields, sida uu sharciga qabo dambiilaha looma ogola in uu eego ehalada qofka uu dilay isaga oo aanan ogolaansho ka haysanin.

Bo waxa la dilay bishii Sebtembar sanadkii 1984-tii xili isaga iyo nin saaxiibkiis ah ay doonayeen in daroogada marajuwanaha ay ka iibsadaan dariiq dambiyada ku badanyihiin ee magaalada Los Angelis.



Galka dacwadda ee maxkamadda waxaa ku jira macluumaad badan oo la xiriira wixii maalintaas dhacay, balse xogta ugu muhiimsan ayaa waxa ay tahay in markii Fields uu lacagta ka qaatay Bo uusana siinin badeecadii uu ka iibinayay, kadibna inta qori kala soo baxay gaarigiisa uu wadnaha kaga dhuftay xabbad.

Fields waxaa lagu xukumay 27 sano oo xabsi ah ugu yaraan dilkii Bo awgiis.

Denis iyo qoyskeeda ayaa diyaariyay qoraal qiraal ah oo ay ku sheegayaan in ay cafiyeen Fields maadaamaa uu aad isu badalay, heleyna dhaqancelin. Balse ma ahan wax iska yimid ee waa go’aan ka dhashay muddo dheer oo ay dadaal samaysay gabadhan, ogaatayna xaqiiqooyin badan oo nolosha ah.

Waa arrin qariib ah in qoyska qof laga dilay ay cafiyaan qofkii gacan ku dhiiglaha ahaa.

“Waan ognahay in dambiga Fields loo arko in uu yahay mid uu ka galay dowladda, balse waa anaga dadka maalin kasta dareemayay dhibaatada ay leedahay in qof noloshaada ka mid ahaa la dilo, in uu intan sii xirnaadana ma ahan wax aan anaga taageerayno” ayaa lagu yiri warqad ay garsoorka u qoreen qoyska Denis.

Denis waxa ay xusuusataa markii ay wada yaryaraayeen iyada iyo walaalkeed Bo , waxa ay ka shalaynaysaa sababta ay saaxiibo u noqon waayeen, balse markii ay jaamacadda soo dhamaysay oo ay waqti la qaadan lahayd walaalkeed ka yar oo markaas 19 jir ahaa, iyadana 22 jir ahayd ayaa la dilay.

Xiligii ay iskuulka wada dhiganayeen, Denis waxa ay ahayd ilmo wanaagsan oo iskuulka ku fiican, halka Bo uu ahaa arday goys goys ah, xitaa sariirtiisa guriga si fiican uma uusan hagaajisan jirin.

Balse markii ay waalidkood kala tageen ayuu dhibkii Bo aad usii kordhay, Denis waxa wadatay hooyadeed, Bo waxaa watay aabihiis.

Denise aabaheed Jim Taylor waa nin qalafsan, inkasta oo sanadihii lasoo dhaafay uu isbadal badan sameeyay, haddane waa nin ku adadag xag dabeecad ahaan, wuxuuna sheegaa in Bo uu ahaa wiil dhib badan oo iska qasaariyay fursado badan.

Bo waxa uu kasoo jeedaa qoys caddaan ah oo ladan, sidaasi oo ay tahay waxa uu la socon jirey dhalinyaro madoow ah oo ku lug leh hawlaha daroogada xiligii dalka Maraykanka isticmaalka darooga uu marayay heerkii ugu sareeyay.

Isaga oo xeebta jooga ayay labo hablood oo madoow ah ka codsadeen in uu gaarigiisa ku geeyo xaafadda Compton. Halkaas waxaa ku sugnaa Fields oo daroogada ka ganacsanayay, markii uu arkay waxa uu u maleeyay in ay askar yihiin, balse markii dambe ayuu ogaaday in ay yihiin dhalinyaro aanan waxbo kala ogeyn.

Wuxuuna go’aan ku gaaray in uu dhoco, waana xiligaas xiliga uu dilka dhacayo.

Jim Taylor oo ah aabaha dhalay Bo ayay geerida u taabatay si aysan u taaban qoyska intiisa kale, waxa uu tagay dhagaysi kasta oo dacwadeed oo la xiriirta dilka wiilkiisa, wuxuuna rabay in xukun dil ah lagu fuliyo Fields, isaga oo xitaa mar ku hanjabay in uu qori lasoo gali doono maxkamadda.

Denis iyadu waxa ay doonaysay in Fields lagu xukumo xabsi daa’in aanan lahayn wax cafis ah.

Denis waxa ay la kulantay ninkii walaalkeed dilay oo ay ka caawisay in uu xabsiga kasoo boxoLahaanshaha sawirkaKATYA CENGEL

Waxay qaaday cabsi ay ka qabto dadka madoowga ah, qof kasta oo madoow ah oo ay aragtana waxa ay u malayn jirtay in ay dilayaan.

Jacaylka ay Denis walaalkeed u qabtay awgiis waxa ay ugu magac dartay wiilkeeda oo ay u bixisay Jonathan oo ahaa magaca saxda ah ee Bo.

Maadaamaa ay Denis ahayd dhaqtarad waxa ay la shaqayn jirtay xabsiyada, waxayna daweyn jirtay dadka dambiilayaasha ah ee halkaas ku jira.

Sanadkii 1997-dii ayaa lagu qoray xabsiga ragga ee Colony, ee magaalada San Luis, gobolka California. Ragga halkaas ku jira badankood waxa ay ahaayeen kuwa gaystay dambiyo waawayn oo uu dil ka midyahay.

Denis ayaa mid mid ula saaxiibtay maxaabiistan, waxa ay dhagaysatay sheekooyinkooda, waxayna ogaatay in ay yihiin dad mar uun galay qalad, kaas oo ay marayaan ciqaab adag, balse ay yihiin dad aad u wanaagsan.

Marka ay xaqiiqdaas ogaatay ayaa waxa ay dareentay in haddii uu ka mid ahaan lahaa Fields ay isna iska cafin lahayd, waxayna dareentay in dadkani yihiin dad wanaagsan oo qlabigoodu nadiif yahay.

Waxa ay kadib go’aansatay in ay la xiriirto Fields, iyada oo arrintaas kala tashatay asxaabteeda oo ku waafaqay fikirkeeda. Kadib sanadkii 2005-tii ayay warqad u dirtay Fileds oo ay kaga codsanayso in ay soo booqato.

Durba jawaab qurux badan ayay heshay, taasi oo Fields uu kaga qoomamaynayo dilkii walaalkeed Bo uu u gaystay.

Ugu dambayn xabsiga ayay ugu tagtay, halkaas oo hadal iyo sheeko dheer oo dareen leh uu ku dhexmaray kadib 21 sano oo ahayd markii uu dilay walaalkeed.
Waxa uu uga sheekeeyay taariikh nololeedkiisa oo dhan, oo aanan ahayn mid wanaagsan, wuxuu iskuulka kaga haray fasalka 11 aad, waxana uu soo maray nolol aad u adag.

Denis dhankeeda waxa ay Fields uga sheekeysay xanuunkii iyo murugadii ay wajaheen markii walaalkeed uu dhintay, waxa ay tustay sawirada ilmaheeda oo ay xusuusisay in aysan waligood arki doonin abtigood.

Waa qofkii ugu horeeyay oo xabsiga kusoo booqda Fields wax ka badan 10 sano, waxaana taas laga dareemi karaa shucuurtiisa iyo qushuuciisa, indhihiisa illin ayaa kusoo istaagtay.

Waxaa jiray booqashooyin kale oo ay Denis iyo qoyskeeda ugu tageen Fields, illaa markii dambe ay bilaabeen in ay u doodaan in xabsiga laga qafiifiyo, lagana siidaayo xili hore.

Muddo 11 sano ah ayay Denis waraaqo u qoraysay Fields, markastana tagaysay dhagaysiga maxkamadda looga qafiifinayo xukunka xabsiga.

Fields waa 56 jir, wuxuuna marayaa xili uu cimrigiisa ka faa’iidaysan karo haddii lasoo siidaayo.

Ugu dambeyntii Fields ayaa xabsiga laga siidaayay 16-kii April, 2017-kii, kadib markii uu xirnaa 32 sano, 6 bilood iyo 11 maalmood.

Waxayna ahayd maalintii koowaad oo wajigiisa farxad laga dareemo mudadaas intaas la’eg, wuxuuna hadda dareemayaa naacowda xoriyadda.

Waxa uu bas u raacay magaalada Los Angeles, waxa uu maqlay in magaalada aad isu badashay, dhisantay, islamarkaasina daroogadii ka yaraatay.

Lacag waxa uu ka haystaa $978.33 oo uu ka helay sanado badan oo sariiro iyo alaabo kale uu ku samaynayay xabsiga dhexdiisa.

Fields ma hubo in uu samayn lahaa sida ay Denis samaysay haddii uu booskeeda taagnaan lahaa.

Ma jiro wax qoys ah oo u meel ku ogyahay, ayaydiis waa ay dhimatay, aabihiis wuxuu dhintay 1993-dii, hooyadiis waxa ay dhimatay 1994-tii, walaashiis waa ay dhimatay, walaalihiisna wax war ah oo uu ka hayo ma lahan, waxani oo dhana waxa ay dhaceen intii uu xabsiga ku jiray.

Xitaa caruurtiisa iyo kuwii ay sii dhaleen ma jiro wax war ah oo uu ka hayo, oo aan ka ahayn sawirro xusuus ah.

Waxase layaabka leh ayaa ah in waraaqihiisa ku qoranyahay magaca Denis , tahayna qofka dad ugu xiga qaraabo ahaan.

Denis waxa ay xitaa u balanqaaday in ay dhar u iibin doonto marka uu xabsiga kasoo boxo, waana ay sugaysaa.

Nasiib wanaag markii uu baska ka dagay ayaa waxaa sii sugayay caruurtiisa iyo kuwa uu awoowaha u yahay oo soo qaatay 3 gaari.

Denis waxa ay rumaysantahay in iyada iyo Fields labaduba ay dhibbane u yihiin dambiyadii ka dhacayay magaalada Los Angeles, waxaa jirtay intii u dhaxaysay 1984-tii illaa 1989-kii waxaa aad u kordhay tirada dilalka ka dhacayay halkaas.

Waxaa dhexdooda ka dhashay xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer , kaas oo ku salaysan cafis iyo musaamax ay samaysay Denis, kana dhaadhicisay qoyskeeda iyo waliba Ronald Fields oo isaguna soo rajuucay, kana qoomameeyay falkii uu gaystay.

Sheekadan waxa ay tusaale cad u tahay isbadalka bulshooyinka lagu samayn karo, iyo sida qisadan ay u saamayn karto bulshada inteeda kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment