Madaxwaynaha Galmudug oo Lumiyay Kalsoonida Xildhibaano iyo Wasiiro

Bulsha:- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xiligan la kulmaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya Masuuliyiin katirsan maamulkiisa iyo Siyaasiyiin kasoo horjeeda go’aankii uu ku taageeray Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Magaalada Cadaado waxaa hada ka socda kulamo siyaasadeed looga soo horjeedo Madaxweynaha Galmudug iyo kulamo isaga lagu taageerayo, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa xaalad Siyaasadeed oo aad u kacsan.

Madaxweyne Xaaf oo shalay dib ugu labatay magaalada Cadaado ayaa lumiyay kalsoonida Xildhibaano iyo Wasiiro Siyaasadiisa horey u taageerasanaa kadib kulan uu xalay Xarunta Madaxtooyada kula qaatay.

Kulan Xaaf xalay kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Galmudug Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan maamulkiisa ayaa fashil kusoo dhamaday, kadib markii Xaaf uu u sheegay in uusan wax dhaqaalo ah kasoo helin Imaaraatka Carabta uu dhawaam tagay.

Madaxweyne Xaaf ayaa u sheegay Xildhibaanada iyo Wasiirada uu la kulmay in kaliya Imaaraatka Carabta u saeeyeen balan qaad , balse aysan jirin wax dhaqaalo ah oo gacanta laga soo saaray, waxa uuna ka codsaday Xubnaha uu la kulmay in ay taageeraan lana shaqeeyaan.
Xildhibaanada iyo Wasiirada maamulka Galmudug ee la kulmay Madxaweyne Xaaf ayaan xalay ku qancin hadalka uu u sheegay, waxa ayna u muujiyeen in aysan ku qanacsaneyn hadalkiisa ayna qaadan doonaan go’aano kale.

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanada iyo Wasiiradan ayaa rajo ka qabay in Madaxweyne Xaaf ka helaan dhaqaalaha la tuhmayo in uu kasoo qaatay dowlada Imaarataka Carabta, hasa ahaatee hadalka uu Xaaf u sheegay ayeysan ku qancin Xubnahan Galmudug katirsan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment