Maamulka PSG: Oo dhaqaale Uso bandhigay Cavani si uu uga tanaasulo tuurista Gool kulaadyada”

Bulsha:- Waxaa lagu soo warraayaa in Paris Saint-Germain ay lacag badan u soo bandhigtay Edison Cavani si uu gool ku laadyada ugu daayo Neymar.

Cavani oo 95 gool u dhaliyey 140 kulan oo uu PSG u saftay tan iyo markii uu 2013kii ku soo biiray ayaa u muuqday mid Neymar kula dagaalay gool ku laadka kulankii Lyon.

Neymar oo lagu soo iibsaday dhaqaalihii abid ugu badnaa ayaa la sheegay in uu ka carooday dhacdadaas.

Si arintaas loo xaliyo madaxweynaha kooxda Nasser Al-Khelaifa waxa uu Cavani u soo bandhigay dalab qaali ah.

Majaladda ka soo baxda Spain ee Marca  waxa ay sheegtay in kooxda ay Cavani siin doonto €1m – oo uu ku qaadanayo hadii uu noqdo dhaliyaha ugu sarreeya Ligue 1-ka waa hadii uu ka tanaasulo gool ku laadyada.

PSG ilaa iyo hadda lagama badin Ligue 1-ka waxa ayna dhibic ka sarreysaa Monoco.
W\Q: Maxamed Ahmed Lio










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment