Layaab:- Nin Dilay Kaneeco oo laga xirtay Ciwaan uu ku lahaa Twitterka (Daawo Sawirro)

Bulsha:-  Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa Nin bar uu ku lahaa Twitterka laga xirtay kadib markii uu dilay kaneeco qaniintay, waxaana ninkan Sawirka Kaneecada uu dilay soo dhigay bartiisa Twitterka.

Nin u dhashay dalka Japan ayaa laga xanibay ciwaankii uu ku lahaa barta Twitterka , waxaana ninkan sababta ciwaanka looga xiray lagu sheegay in uu soo dhigay sawirka kaneeco qaniintay kadibna uu soo raaciyay qoraal uu ku sheegay in uu dilay.

Go’aanka shirkada Twitterka ku xanibtay ciwaanka @nemuismywife ayaa si weyn usoo jiitay Warbaahinta iyo baraha bulshada, waxaana ninka iska lahaa ciwaankan uu dhibaato kala kulmay qaniinyada Kaneeco xili uu nasiino ku jiray uuna daawanayay Telefishin.
Ninka iska lahaa ciwaanka @nemuismywife ayaa markii uu dilay kaneecada qaniintay soo dhigay Sawirka kaneecada uu dilay iyo qoraalkan'”Halkeed ula baxsanaysaa qaniiyadeyda aniga oo iska nasanaya oo TV-ga iska daawanaya ? dhimo! (xaqiiqadiina mar hore ayaad ba dhimatay).”


Shirkada Twitterka ayaa durba ninkan fariin ay ugu sheegeyso in ciwaankiisa la xanibay dibna uusan u isticmaali doonin usoo dirtay, waxaana isla markaasba la xiray hawadana laga saaray ciwaanka @nemuismywife.

Ninka ciwaanka laga xiray ayaa durba soo sameestay ciwaan kale, waxa uuna si kulul u cambaareeyay Shirkada Twitterka ee ka xirtay ciwaankii uu caanka ku ahaa kadib markii uu kaneeco cuntay dilay.

Fariintiisada carada wadata ee uu soo dhigay bartiisa Twitter ayaa waxa la sii baahiyay in ka badan 31,000 oo ciwaano ku leh barta Twitterka, waxaana ka heshay 27,000 oo ah dadka isticmaala barta Twitter.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment