Gabadhan waxay guursanaysaa ninkii buuxiya shuruudaha soo socda

Bulsha:- Gabar Dhaqtarad ah oo Yemen u dhalatya ayaa sheegtay inay guursanayso ninkii Meherkeeda ka dhigi kara qoorta madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix ama qoorta wiilkiisa Axmed Cabdalla Saalix.

Drs. Susan Al-Bacdani ayaa kusoo qortay boggeeda Facebook-ga dalab ay ku goobeyso nin iyada guursada oo buuxin kara hal shardi uun, kaas oo ah inuu Meherkeeda ka dhigo qoorta madaxweynihii hore ama wiilkiisa.

Waxay dalabkeeda kusoo lifaaqday sawirkeeda iyadoo ku labisan dharka dhaqaatiirta xiiranna Niqaabka ama Indha-shareerka wajiga lagu daboosho.

Dhaqtaradda ayaa tiri “Waan ogahay in Meherkeygu ka qaalisanyahay qoorta madaxweynihii xilka laga tuuray. laakiin dalabkan aan madaxiisa ku doonayo waa dalab wadani ah”.

Dad badan ayaa faallo kasoo dhiibtay arrintan, iyaga oo u muujiyay Dhaqtaradda inay aad ugu riyaaqeen mowqifkeeda, isla markaana ay dhammaantood ku dadaali doonaan sidii loo ceyrin lahaa Xuutiyiinta iyo ciidamada Saalix.















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment