Diyaar Garoowga Dhalmada

Bulsha:-  U diyaar garoowga dhallida ilmaha  waa wax aad muhiim ugu ah hooyada uurka leh. Takhasuusleyaasha dhalmada ayaad kaa caawin doona dhalmada ilmahaaga markii la gaaro waqtigii dhalmada.

Diyaargorowga ayaa ah mid aad ugu wanaagsan hooyooyinka uurka leh. Hooyada waa in ay doorataa halka ay ku dhali lahayd markii dhamadeeda lagaaro. Waxaa kaloo muhiim ah in ay doorbid samayso in ay isbitaal ay ku dhali lahayd ama haddii ay guri ku dhali lahayd.

Marwalba waxaa muhiim ah in hooyadau ay ku dhasho goob caafimaad ama isbitaal sidii aay u hesho kaalmo takhasuusleyaal ama umulisooyin tababaran. Mar mar ayaa waxaa dhici karo in uu soo foodsaaro marxallado oo qatar ah markii ay hooyadu dhalayso.

Diyaargarowga dhalmada ayaa ah mid saameeyn kuyeelan karto hagga cafimaadka ilmaha iyo hooyada. Hooyadu waxay heli kartaa daawooyin oo kaalmeeya dhalmada sida kuleelisada, xanuun baa’biyaha iyo kuwa foosha keena ama dedejiya.

Ilmahu sidoo kale wuxuu caawimaad ka heli kataa xirfadleyaasha isagoo xabka ay karoosaarayaan. waxaa kaloo ay siin karaan daawooyin iyo tallaalo aad ugu muhiim ah noloshiisha.Caawimaad laga helo dad xirfadlayaalka ah ayaa mida wax ka bedelaysa caafimaadka hooyada iyo ilmahaba. Waxay kugu caawinaysaa in aad si kalsooni ahi isugu diyaarisid dhallashada iyo dhallida ilmahaaga.
Sidoo kale waxaa jira koorsooyinka aad qaadanaysid oo kugu caawinaya sida aad isku diyaarin lahayd dhalmada. Inta badan koorsooyinka ayaa waxaa laga bixiyaa rugta caafimaadka iyo isbitaalada. Waxay kugu kaalmaynayaan  dhinaca dhalmada sida qaababka dhalmada iyo waxa aad u baahan karto.

Intaa waxaa sii dheer waxaad u bahnaan doontaa adiga iyo lamaanahaad, in aad heysatid lamabraka degdega ah oo rugta caafimaadka iyo xariirka dakhtarka haddii ay xaalad dedeg ah dhacdo.

Haddii ay lagama maarmaan noqoto, waxaan si toos ah kugula soo xiriiri doonaa teleefoonka  si shakhsi ahaan si aad u hesho kaalmo caafimaad ama dhalmo kaakaalisooyinka. Waxyaabaha ku saabsan u diyaar garoowga dhallida iyo  caawinaada ayaa laga heli karaa isbitaalada iyo rugaha caafimaadka.

Haddaba markasta la hariir isbitaalka ama takhasuuslaha dhalmada ama umulisada laysaan u leh dhalinta hooyooinka si ammaan leh aad u dhashid.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment