Dalka Imaaraadka oo ku hanjabay inuu dhulka ku darayo Al-shabaab (Warbixin)

Bulsha:- Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Maxamed Axmed Al-Othmani Al Hammadi, ayaa sheegay in dowladiisa ay ka qeybqaadan doonto la dagaalanka Al-shabaab.

Al-Othmani , ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dagaalada ay dowlada Somalia ku dooneyso inay kusoo afmeerto Alshabaab weli ku sugan gudaha iyo daafaha Somalia.

Waxa uu cadeeyay in dowlada Imaaraadku ay bixin doonto dhaqaalaha iyo khibrada ay dowlada Somalia kusoo afjari laheyd Alshabaab. ”Wey naga go’an tahay inaan is garabtaagno dowlada Somalia, waxaan diyaar la nahay inaan garab muuqda ka geysano dhaqdhaqaaqyada ay dowlada Somalia ku dooneyso in Alshabaab ay uga saarto Somalia”

”Weynu ka dhabeyn doonaa go’aankeena ku aadan la dagaalanka Alshabaab waayo indhaha kama daawan karno dhibaatooyinka ay Alshabaab ku hayaan Somalia”

Al-Othmani ayaa cadeeyay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ay isla meel dhigeen hanaanka lagu soo afmeeri karo Alshabaab iyo kaalinta dowlada Imaaraadka kaga aadan dagaalka.

Al-Othmani ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika AMISOM, Francisco Caetano Madeira iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan dowlada Somalia iyo AMISOM.

Haddalka Al-Othmani ayaa imaanaya xili dowlada Imaaraadka Carabta ay dib usoo nooleysay xiriir hoosaadka kala dhexeeya Somalia, kadib markii uu hakat galay xiriirka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment