7-daan Calaamad Isku Aragtaan Jaceylkiina Daaqadda Ayuu Ka Sii Baxayaa Ee Ka Taxadara.

Bulsha:- Xariirka lamaane ee fashilka ku socda ayaa leh calamaado dhowr ah oo aan hal maqaal lagu soo koobi karin

Qodobadaan soo socda xayaati.com ayaa ku soo koobeysa calaamado aan qarsoomin oo muujinaya in xariirkii uu fashil yahay ee il gaar ah isaga yeesha.

* Go`aano adag : haddii midkiina uu qaadanayo go`aanno adag oo ku aadan maareynta qoyskiina oo uusan jirin wada tashi waxa ay xayaati.com ku leedahay xariirkiina nolosha jaceylka fashil ayuu ku dhaw yahay ee wax ka badala .

* Is Badal Ku Yimid Rabitaankiisa Ku Aadan Sida Aad Tahy Adna Sidoo Kale : Midkiina kuma aqbalayo midka kale dhinacyo badan oo ku aadan shaqsiyadiisa , haddii arintaas si deg deg ah loo saxin mustaqbalkiina mugdi ayuu ku jiraa .

* Ma Wada Gaartaan Xal Wada Jir Ah Marka Aad Mareysaan Xaalado Adag: haddii uusan jrin wax aad isku afgarataan oo xal u noqn kara culeysyada jira waxaad u nugushihiin fashil .

* Dhag Jalaq Uma Siiyo Dalaabyadaada Adna Sidoo Kale : tanin waxa ay muujineysaa in bur burka qosykiisana uu diyaar yahay

* Isku Dan Ma Tihiin : haddii maqane jooge kala tihiin oo aydan isku fikir aheyn waxna hal meel u wadin mustaqbalkiina mugdi ayuu sii galayaa ee iska xaliya .

* Haddii uusan u aabo yeeleyn dalaaladaada adna sidoo kale ee ku aadan ka mira dhalinta guul laga gaaro noloshiina meeshaas wax ka soo socda malaha ee xayaati.com waxa ay idin leedahay ku dadaala in midkiina kan kale ku taageero dadaalada lagu hor marinayo qoyska .

* Haddii ay adkaato in kalsooni is weydaarsadaan taasina ma fiicna waayo kalsoondia waa tiir ka mid ah tiirarka qoyska ku dhisan yahay , haddii wax adag ay noqoto abuuridda kalsoonida waxaad ogataa in aysan jireyn guul .











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment