SAWIRRO: Waddo u xidhneyd AMISOM oo dib loo furay iyo sida wax u dhaceen

Bulsha:- Wararka ka imanaya degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidmada AMISOM ay fureen wadada laamiga ah oo hore ugu xirneyd kadib markii ay wadahadalo dhex mareen maamulka degmada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Buuloburde Cabdi Daahir Guure ayaa la kulmay dhowaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM isagoo kala hadlay sidii ay u dib ugu furi lahaayeen wadada laamiga ah ee dhex marta degmadaas.

Furitaanka kadib ayaa shacabka magaalada Buuloburde waxa ay bilaabeen inay ka shaqeeyaan nadaafada goobaha muhiimka ah ee magaalada sida Xarunta maamulka degmada ,Maxkamadda,iyo afaafka hore ee Masaajidka weyn ee ku yaala bartamaha magaalada.
Guddoomiyaha degmada Buuloburde ayaa sheegay in ay sare u qaadi doonaan horumarinta degmada Buuloburte isagoo u mahadceliyay shacabka magaalada dadaalka ay muujiyeen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment