SAWIRRO: Hay’adaha Garsoorka oo soo saaray Go’aano aad u culus iyo…

Bulsha:- Shirkii billlaha  ahaa ee hay’adaha  garsoorka oo lagu qabtey xarunta maxkamadda Sare waxaana ka soo qeyb galey wasiirka wasaarada cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Garyaqaanka guud ee dowlada iyo Saraakiil ka socotey booliska.

Kulanka oo si wadajir ah u shir gudoominaayeen guddoomiyaha Maxkamada sare dalka iyo wasiirka cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana shirka looga hadley dardargelinta qodobada soo socda:

In si wadajir ah wax looga qabto dacwadaha ku dhisan been abuurka.

Boolisku in ay fuliyaan xukunada iyo go’aanada ka soo baxa maxkamadaha dalka si ay u helaan cadaalad muwaadiniinta Soomaaliyeed.

In si deg deg ah maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo saldhigyada loo horkeeno garsoorka si ay cadaalad u helaan.
Xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha fulinta ee la shaqeeya hay’adaha Garsoorka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment