Qarax Ismiidaamin ah oo Goordhow ka Dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Bulsha:- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in goordhow Qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo bartilmaameydku uu u muuqday inuu ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Xuseen Xasan Cismaan.

Nin xirnaa suunka walxaha qarxa ka samaysan ayaa waxaa la sheegayaa inuu isku qarxiyay barxadda dhexe ee Xabsiga oo ku dhow Masaajidka ay ku tukadan shaqaalaha iyo maxaabiista ku xiran halkaasi.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilligii uu qaraxu dhacayay Taliyuhu uu ka soo degay gaarigiisa nooca aysan rasaasta karin, isla-markaana uu gudaha u galay Masaajidka ku yaala gudaha xabsiga.

Askari ka tirsan ilaalada Taliyaha, ayaa waxaa la tilmaamay inuu is hortaag ku sameeyay ninkaasi, oo sida la sheegay doonayay in uu gudaha u galo Masaajidka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa maalin kasta oo Jimce ah maxaabiista Salaadda Jimcaha kula tukada Masaajidka Xabsiga Dhexe.


Taliyihii Qaraxa Lala Damacsanaa General Xuseen Xasan Cismaan.

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan laba qof ay ku dhimatay qaraxaasi oo midi uu yahay askarigii ilaalada u ahaa Taliyaha Asluubta, iyadoo midka kalana uu yahay ninkii is qarxiyay, halka dhawr kalana ay ku dhaawacantay, oo Taliyuhu uu ku jiro. Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhaawaca Taliyuhu uu yahay mid fudud.

Ciidamada Nabad Suggida oo gaaray halkaasi, ayaa xiray wadooyinka soo gala Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waxay baaritaano iminka ka wadaan banaanka iyo gudaha xabsiga.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment