Maxaa ka jira in ciidanka Abuu Mansuur ay dhaawaceen Amiir ku-xigeenka Al-shabaab?

Bulsha:-  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar mar kale Al-Shababa shalay ku qaaday aagga uu ku sugan yahay wadaadka gooni u goosadka ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dagaalkii shalay oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegayaa in maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur ay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab ku soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo si dhow xaalada dagaalka ula socda ayaa sheegaya in maleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow ay difaacyo adag ka sameysteen dhulka howdka iyo buuraha ee deegaanka Abal, taas oo u sahashay inay dib isaga riixaan Shabaabkii soo weeraray.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay dagaalkii shalay uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Sayalow oo u dhow deegaanka Abal, isagoo tilmaamay in dagaalka uu ku sii fidayo goobo hor leh.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maleeshyada daacada u ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay jimcihii dhaawaceen Ku xigeenka Hogaamiyaha Al-shabaab Mahad Warsame Qaley oo loo yaqaano (Mahad Karataay) ka dib markii uu dagaal ku dhex maray Gobolka Bakool.

Inta la ogyahay dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo Mukhtaar Roobow Cali Abuu Manuur ayaa waxaa ku dhintay in ka bada 20-Qof halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in qayb ka mid ah maleeshiyada Shabaab, ay dib uga gurteen deegaankii lagu dagaalamay, markii uu lugta ka dhaawacmay Mahad Karataay, oo ururka dhexdiisa looga yeero Abuu C/raxmaan.

Wasiir Xasan Eelaay, ayaa Jimcihii ku celiyay in mowqifka Dowladda Dhexe iyo kan Koonfur Galbeedba uu yahay in la soo dhaweeyo cid kasta oo ka tanaasusha fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment