Hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya oo qaadacay natiijada doorashada (Video)


Bulsha:- Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa qaadacay natiijada doorashada, iyadoo weli ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay. Raila waxaa uu sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada.
HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kale weli waxaa socda tirinta codadka doorashada Kenya, waxaana codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyay ayaa muujinaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay. Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay sedex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka. Waxaana uu Madaxweyne Uhuru uu ku hogaaminayaa Raila kow iyo toban dhibcood oo ah codadkii la tiriyay.
Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%. Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment