Daawo Sawirro iyo Fariin uu Twitter-ka soo dhigay Obama oo Saameyn badan yeeshay

Bulsha:- Waxaa laga yaabaa in Twitter-ku yahay barta uu madaxweyne Trump ugu jecel yahay marka uu doonayo in uu fariin gudbiyo, laakiin fariin uu bartaas ku qoray madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa noqotay midda loogu jecelyahay taariikhda Twitter.

Qoraalkani tweetarka, oo ah kii ugu horeeyay saddex qoraal oo is xig-xigay,oo Twitter ah ayaa Obama waxa uu soo xiganayaa Nelson Mandela,waxaan la socda sawir Mr Obama uu dhoola cadaynayo ayna kula jiraan koox caruur ah oo ka soo kala jeeda qoomiyado kala duwan.

Qoraalkan ayaa laga helay oo waxa jeclaystay ku dhawaad 3 milyan oo qof tan iyo intii bartaasi la soo dhigay 13 August ka dib weerarkii ka dhacay magaalada Charlottesville,ee gobolka Virginia.

Qoraalkani tweetarka mr Obama ayaa waxa uu ka sara maray qoraalkii Ariana Grande ay tuwiitarka soo dhigtay taasi oo ahayd tacsi ay daraysay ka dib weerarkii ka dhacay Manchester bishii May.

Qoraaladani Twitter ayaa,Obama waxa uu soo xigtay waxyaabihii iyo taariikhda uu soo maray Mandela iyo safarkii dheeraa ee xoriyada uu u soo galay.

“Ma jirto qof ku dhashay in qof kale uu ku naco midibkiis jirkiisa ama meesha uu ka soo jeedo amaba diintiisa,” ayaa lagu xusay qoraal.

“Dadku waa in ay bartaan naceybka,haddii ay baran karaan naceybka, waxaa la bari karaa in ay wax jeclaadaan ,Dabiiciyan in qofka wax jeclaado ayaa ka asalsan in uu wax naco.

Sawirka ayaa muujinaya Obama oo 2011 booqanaya xarun dadka lagu xanaaneeyo oo ku taalla magaalada Bethesda, ee gobolka Maryland, waxaana Sawirkaan qaaday sawirqaadihii aqalka cad ee xiligaasi,Pete Souza.
Tan iyo intii uu doorashada ku guulaystay madaxwayne Trump, ayaa Mr Souza waxa uu soo dhigayay barta Instagram,sawiro muujinaya qaabkii uu wajahay Obama madaxtinimada isaga oo is barbardhig ku samaynaya ninka badalay.ka











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment