Burco iyo Maqaamyada Mirqaanka (Marfashyada).

Bulsha:- Qasab-ku-Mirqaan: markii aan idhi waayo waxa lay sheegay inay tahay meel yar, oo kulul oo adeegeedu liito,Sidaa darteed Waa Qasab ku mirqaan, Adoo kubaysan oo miyarna ka tagay waalina aan gaadhin ayaad fiidka meelaha Miliqsan sidii Qolyihii Vimpires ee dhiiga ku noola.

2- Iskuus-ama-Isbuur: Waxay iigu sharaxeen meel ka kooban guri iska daba gal ah, oo Qaybta Danbe VIP-da ayaa si baaladhan ugu qayila, Hadii Jeebkuka xun yahay se waa Iskuus halkaa hore, oo Kabaha, Jiidhjiidhka iyo Qiiqa Shaaha iyo girgira weshesho Xaaaji.

3- Badhi-iyo-Bigays: Waxaa lay sheegay inay tahay meherad ay hablo qurux badan haystaan, oo qaadka markaa Daawashada kuu dheertahay lasoco waa qiimo gaare innantaa kolba meel kaa dhaafaysa.

4-Dhabar-jabinta: waa Meel aad u gaaban oo dhisme xun, deed foorar ayaa ku dilaaya, Fiidka ayuunbad adoo Aah aah daaya haya ka boodi, sidii dhidar xaloo dhan xabaal qodanayey oo qaraxdu kasoo gaadhay aroortii hore

5-Ha-kugu-Dunto: iyana Waa sidoo kale oo Dhismeheedu amaan maaha, markaa ha kugu dunto halis darteed ayaa lagooo bixiyeye, laakin nin qaad dardaray dadka muu maqla weeye xaalku.

6-Anaa-kaa-Qaad-badan: Waa Meherad Qaadka layskugu faano, oo Hadii Mijin iyo waxaas aad sidato waa iska eeg dhagaxa, Kii dhaadheera, Gaafane, Marduuf, iyo Wixi soo hal maala ayaa lagu cisha tamaa xaaji.

7-Hore-u-Cadayo: Waxay iigu sheegeen inay tahay meherada fiidka hore laga rawaxo, oo qiyaasti qolyaha Caruuraha iyo Xaasaska le ayaa fadhiistaya markaa Fiidka hore Qaadka Tufo, Cadayga afka laboobo, o ka caraw madasha weeye xeerkeedu, fahanoo waa qolayaha Qoraxada kaga hadhsada Mijinta.


Isha Warka: Ilo Reer Burco ah, oo Xog ogaal u ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment