Boxoffice Update: filimka A Gentleman oo si hoose ku furmay subaxaan

Bulsha:- Maanta oo Jimco ah subaxdii hore waxaa tiyaatarada la saaray 5-filim Hindi ah A Gentleman, Babumoshai Bandookbaaz, Muskurahatein, Qaidi Band iyo Sniff sidoo kalena labo filim oo Hollywood ah The Hitmans Bodyguard and The Dark Tower iyagana masraxa waan la saaray.

Laakiin dhamaantooda waxay ka wada siman yihiin inuusan jirin mid si wanaagsan ku furmay ama ku bilaawday taasi oo ka dhigan sanadkaan in filimada bilaabashadooda marwalbo aad u liitaan.

A Gentleman oo ah filimka ugu weyn dhamaan filimada tiyaatarada la saaray sidoo kalena hogaamiye ka yahay Siddharth Malhotra ayaa ku furmay si hoose oo ah 10% ilaa 15% inkastoo filim Action yahay hadana waxaa la filaayay in bilaabashadisia sidaan ka roonaan doonto.

Babumoshau Bandookbaaz oo ah filim uu Nawazuddin Siddiqui  hogaamiye ka yahay isagana 8% ilaa 10% ayuu ku furmay inta u dhaxeyso waxaana la saaray tiyaataro kooban sidaa darteed rajo lagama qabo inaan uu sare u kac waali ah sameeyo maal maha sabtiga iyo axada.
Maanta fasax goboleed ayaa meelaha qaar ka jiro sida Maharashtra, Karnataka and Andhra taasi oo sababi karto in A Gentleman sare u kac sameeyo gelinka dambe.

Laakiin filimkaan oo xambaarsan miisaaniyad 40 Crore ilaa 50 Crore u dhaxeyso qaabka uu ku bilaawday waa mid niyad jab ah waxaana qasab ku ah inuu maanta qaybaha dambe sare u kac xad dhaaf ah sameeyo sidoo kalena sabti iyo axadna ganacsi adag la imaado.

Caqabada ugu weyn ee Gentleman heesato waxay tahay labada filimkaan Director ka ah Raj & DK waligood filim guuleestay ma sameynin xitaa aflanatooda bilaabasho wanaagsan lama imaanin Shor In The City, Go Goa Gone iyo Happy Ending!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment