ARRIN LA YAAB LEH:- Hooyo Wiilkeeda Curadka ah doorasho kaga guuleysatay

Bulsha:- Haweeney u dhalatay dalka Kenya iyo wiilkeeda ayaa ku tartamay kursi baarlamaanka koonfurta dalka, waxaana dhacday in ay doorashada kaga guuleysatay.

Mrs. Beatrice Kones ayaa wiilkeeda curadka ah Kipkalya Kones kula tartantay kursiga baarlamaanka ee bariga Bomet, natiijada markii ay soo baxdayna waxa ay muujinaysaa in ay ka guuleysatay wiilkeeda.

Haweeneydan ayaa horey xildhibaan u noqotey kadib markii seygeeda uu ku dhintey shil diyaaradeed oo ka dhacay degmada Narok ee Kenya., balse waxa xilkaasi lagaga reeyey doorashadii dhacday 2013-kii.

Waxa ay haweeneydani ku eedeysay gafarnatoorihii hore ee degmada Bomet Issac Ruto in uu qarash galiyey wiilkeeda si uu ula tartamo.

Balse wiilkeeda oo kaalinta afaraad ka galay tartanka ayaa sheegey in hooyadiis ay horey ugu balanqaaday in ay isaga taageeri doonto doorashada 2017-ka, isla markaasina lasoo gaaray xiligii uu riyadiisa ka dhabayn lahaa.

“Nooma dhaxeeyo wax farqi shaqsiyadeed ah, mana aanan murmin, waxay sii ahaan doontaa hooyadey” ayuu yiri.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment