albaabkii murugada..Ha Aqrin Shekadaan Hadii aad Qalbi Jilicsan Tahay, waan Hubaa in aad Ilmeyn Doonto

Bulsha:- waxaan lahaa saaxiib aan ujeclaa si dheeraad ah. waxaa ifarax galin jiray aragtidiisa waxaana wehel ii ahaa imaanshihiisa waxaan ku gutay lasaaxiibistiisa waqti aad udheer. arrinkiisa waxna igama qarin jirin anigana sidoo kale ayaan u ahaa. ilaa aan safray safar fog. waan isku waraaqo dirnay inti muddo ah. intaa kadib waxaa iga go ay farriimihi aan kaheli jiray xaggiisa. waxaa ishaki galiyay waxa kudhacay saaxibkeey iyo sida xaalkiisu yahay. waan soo laabtay waxaana kadhigay hammigeyga midka ugu weyn inaan mar uun arko saaxibkeey. waxaan karaadiyay dhammaanba goobihi aan ku kulmi jirnay kamana helin. waxaan tagay hooygiisi dariskiisuna waxay ii sheegeen inuu ka guuray xaafadda waqti aad ufog aysanna garaneyn halka uu kudambeeyay. waxaan istaagay meel udhaxaysa rajo iyo quus dagaalamaya oo uu midkood ka guulaysanayo kan kale. waxaan yaqiinsaday inaanan maanta kadib aanan heleyn saaxibkey. waxaa indhaheyga kadaatay ilmo aanan kadaadanin illaa qof uu yaraaday nasiibkiisa saaxibtinimada mooyee.

habeen kamid ah habeenada baaska leh xilli aan kasoo laabtay gurigeyga aqoon la aanteyda dhanka wadada aan kusocdo ayaa igu hogaamisay waddo mugdi badan oo lama dagaan laga guuray ah oo uu umalaynayo qofka fiiriya xilliga aan soo maray inay tahay. hooygi libaaxyada. waxaan dareemay sidi anigoo dabaalanayo bad aad umadoow oo igu garaaceysa inta udhaxaysa laba buurood. hirarkeeduna ay marna isoo abbaarayaan marna ii dhabar jeedinayaan marna ay hawada sare ukacayaan. ma aysan dagin hirarkeedu jeer aan kamqlay guri kamid ah guryahaan laga qaxay codka qof aad ugu cataabaya cod dheer bartamaha habeenki. wuu soo laalaabanaya codkaasi. waxa uu saameeyay nafteyda saameyn aad udaran waxaana dhahay.

“alla layaab badanaa. habeenkan madoow muxuu kuqarinayaa xabadkiisa sirta kuwa balaayadu kudhacday iyo qarinta kuwa murugeysan”
waxaan ahaa mid ilaahay ballan kula gala hadduu arko qof murugaysan inuu istaago hortiisa istaagidda qof dadka wax tara. hadduu kari waayana ugu yaraan la murugooda. waxaan raacay wadadi ilaa aan kagaaray gurigi uu kasoo baxaayay codka uu aadaarku ku laranyahay. waxaan garaacay iridka garaacid ay turid kudheehantahay lamana furin. waxaan mar kale ugaraacay si xoog ah. waxaa iga furtay gabar aad uyar oo uu sigayo cimrigeedu inay kasiibato da deeda sanadi tobanaad. waxaan ku arkayay tooshka yar ay gacanta kuhayso dharkeeda jeex jeexan ayadoo u eg sida dayaxa oo lagu daboolay daruurta. 

waxaan weydiiyay.. qof jirran miyaa agtiina ahaaday? way qeylisay qeylo uu udhowaanayo inuu la go o halbowlaha wadnaheeda waxayna tidhi
“soo gaar aabahay waxaa haaya sakaraadki geerida”
waxay socotay hortayda aniguna waxaan soconayay gadaasheeda ilaa aan kagaarno qol albaab yar leh. waxaan umaleeyay inaan kasoo guuray dunidi dadki noolaa oo aan usoo guuray dunida dadki dhintay iyo in qolkani uu yahay qabri iyo in qofka jirranina uu yahay wax dhintay. waxaan usoo hoobtay dhanki qofki bukaanka ahaa. waaba asigoo ah lafo ay naftuna ku dhex laalaabaneyso. waxaan saaray gacanteyda dhinaciisa. wuxuuna kala furay indhihiisa. waxa uuna aragiisa ku dheereeyay wajigeeyga. intaa kadib wuxuu furay faruuryihiisa si tartiib ah. si tartiib ah wuxuuna yiri.

“ilaah baa kumahadsan waxaan helay saaxiibkeey”.
waxaan dareemay qalbigeeyga oo ku soconaya xabadkeyga argagax daraadiis. waxaana ogaaday inaan helay baadideeydi aan raadin jiray oo aan aaminsanaa inaan maalin uun heli doono ayadoo kusii socota wadadi tagitaanka. waxaan weydiiyay sida xaalkiisu yahay iyo waxa ay tahay goobtan uu kusuganyahay?
waaba asigoo i hilmaamay muddo badan. laydhka yar ee korkiisa suranna uu bixinayo iftiin aad uyar. wuxuu ii tilmaamay inuu jecelyahay inuu soo fadhiisto. waxaan utaagay gacantayda wuuna cuskaday jeer uu si quman usoo fadhiistay wuxuuna bilaabay inuu igaga sheekeeyo qisada imaan doonta…..

“muddon toban sano ah kahor aniga iyo hooyaday waxaan daganayn guri. waxaan lahayn daris kamid ah kuwa hanitida iyo nimcada rabbi kumannaystay. dariskaas gurigoodu waxa uu garbihiisa kusoo dhowaynayay gabar aysan qasriyada iyo guryaha boqoradu aysan soo dhoweyn ayada oo kale wanaagga bilicda dabacsanaanta iyo quruxda daraadeed. waxaa nafsaddeyda xanuujiyay jacayl aan uqaaday daraadeed waxaan awoodi waayay inaan lasabro. kama suulin inaan ula imaanayo qaab walba oo aan ugu gudbin karo dareenkeyga qalbigeeda. jeer aan ugu dambeyn ballan ugu qaaday inaan guur diyaar u ahay. waxaana isku keey dhiibay hoggaankeedi. wax walbana way iga ogolaatay. waxaan ku boobay sharafteedi iyo qalbigeediiba hal maalin oo qura. 

kama soo wareegin maalmo badan marki aan ogaaday in caruur yari ay isku gadgaddinayaan caloosheeda dhexdeeda. waxaan bilaabay inaan ku shakiyo inaan u oofiyo ballanti aan kaqaaday iyo inaan ujaro xiriirka naga dhaxeeya. waxaana doortay arrinta dambe. waxaana kasoo haajiray gurigi aan booqan jiray ilaa maantadan lajoogana wax war ah kama haayo. waxaa kasoo wareegtay dhacdadaas sanado badan. maalin maalhana kamid ah waxay gabadhi iigu soo dirtay boostada waraaq”
waxa uuna gacantiisa utaagay barkintiisa hoostiisa waxa uu kasoo bixiyay waraaq aan ka aqriyay waxa imaan doona….
“haddii ay ii ahaan lahayd inaan kuu soo qoro farriin si aan usoo cusbooneysiiyo ballan iyo jacayl waqti hore ka imaaday kuuma soo qoreen xattaa hal sadar. mana qorsheeyeen xattaa hal eray. maxaayeelay ma aaminsani inuu jiro ballan lamid ah ballankaadi khiyaanada ahaa iyo jacayl lamid ah jacaylkaadi beenta ahaa inuu mudanyahay inaan udabaaldego si aan u xuso. ama aan kaxumahay burburkiisa oo aan codsanayo soo celistiisa. waxaad ogaatay marki aad iga tagaysay in dhinacayga uu kashidanyahay dab holcaya. wixi tagay waa wax laga xumaado iyo cabsi mustaqbalka ah labadaba. oo sideysan ii soo gaareyn cirib xumada ariintaa aniga jeer aadan naftaada kuqasbin inay dib u eegto ayaan darro aad adiga tahay qofka iska leh. mana aadan kuqasbin naftaada tirtiridda illin aad adiga tahay midki ay daraadiis udaadatay. intaas kadib ma mudanahay inaan nafteyda usawiro inaad adiga tahay nin fiican? maya. xattaa ma awoodo inaan nafteeyda usheego inaad tahay ibnu aadam. maxayelay iigama aadan tagin wax cillad ah oo kala gayn kara dadka sida fiican iskugu dhowaada. been baad ii sheegtay. waadna ikhiyaantay marki aad guurka ballanka igula gashay waxaad naftaada usawirtay inaadan guursan karin qof dambiile ah. waa maxay dambigaas aan ka ahayn midka aad gacantaada kusamaysay. waan iska kaa difaacay jeer aan hortaada kudhacay sida ilmaha yari ugu kufo dadka xoogga leh hortooda. waxaad xaday dhowrsanaanteydi waxaan noqday qof nafsad ahaan dulleysan qalbi ahaanna murugeysan. waxaa igu cuslaatay nolosha waxaana ii soo iftiimay geerida. macaan nuucee ah ayaa ugu sugan nolosha haweeney aanan awoodin inay noqoto xaas nin qabo iyo hooyo ilmo leh. iskaba daaye aan awoodin inay lanoolaato bulshada aan ka ahayn ayadoo madaxeeda raaricineysa calaacasheedana saaraysa dhabankeeda hammi iyo murugo daraadood. ay ujaraynayaan xididadeedu cabsi ay kaqabto ciyaarta dhalinyarada ciyaarta daraadeed. waxaad iga soo dhex bixisay raaxadeydi waxan noqday qof dayacan kadib marki aan kasoo cararay qasrigi ay reerka yagu daganaayeen. hooyaday iyo aabahay iyo guriga barwaaqada ahaa waxaan uga soo guuray guri aad uxaqiran oo kuyaala goob aanan lagaraneyn. aysan jirin cid soo garaacda iridkiisa waxaan u imid si aan ugu dhumaysto maalmaha qaraarka badan ee iiga haray nolosha. waxaad dishay hooyaday iyo aabahay waxaan ogaaday inay dhinteen umana malaynayo inay ugeeriyoodeen wax aan ka ahayn murug ay kaqabaan waayitaankeyga iyo quus ay ka istaageen lakulankeeyga. waad idishay noloshaas qaraar iyo hammigaas dheer labaduba waxa ay kagaareen nafsadeyda iyo jirkaygaba meel aad ufog. waxaan umalaynayaa in ilaahay uu iga aqbalay ducadeyda uuna iga rari doono daarti dhimashada iyo ayaan darrada uuna idajin doono guryihi nolosha iyo farxadda. waxaad tahay beenlow khiyaanoole ah tuug dilaa ah. mana umalaynayo in ilahay uu kaaga tagayo sidaan asigoonan iiga kaa qaadin xaqqeyga. kuuguma soo qorin waraaqdan si aan usoo celiyo xiriir beri hore jiray. waxaan taaganahay qabriga iriddiisa iyo inaan nolosha oo dhan sagootiyo dhib iyo dheefteedaba. wax rajo ahna kama lihi jacayl sii qoto dheeraada. waxaanse warqaddan kuugu soo qoray waxaa agteyda ahaaday amaano aan kuu haayo waana gabadhaada. haddii ay tahay wixi qalbigaada kaqaaday naxariista aabanimada u kaalay oo qaado inta aysan gaarin wixi hooyadeed gaaray oo ayaan darro ahaa”
ma aanan dhamaystirin aqrinta waraaqadda jeer aan fiiriyay oo aan arkay ilmadiisa oo dareereysa dhabannadiisa waxaan weydiiyay maxaa dhamaystirmay intaa kadib?
wuxuu yiri
” waxaan udag dagay gurigeedii. waana gurigaan aad maanta igu aragto anigoo dhex jiifa. waxaan arkay ayadoo qolkaan dhexdiisa taala isla sariirtaana dul saaran oo meyd ah naftuna mar hore kahaaday. wax dhaqdhaqaaq ahna aanan lahayn. waxaan arkay gabadheeda oo ooynee ooyin aad udaran waxaan lawareeray wixi aan arkay. waxaa isku keey suureeyay dhammaanba dambiyadeeydii aan kusameeyay ilowshaha. waaba ayagoo ah sida duur joog dilaa ah. maya ee libaaxyo saf kujira oo cidiyahana isku xoqaya miciyahana bannaanka keenay. waxaan ballan kuqaaday inaanan ka dhex bixin qolkaan dhexdiisa waana qolka aan ubixiyay qolki muragada jeer aan ku dhex noolaado nolol ama aan ku dhex geeriyoodo. maantana waa ikan aan dhexdiisa ku dhimanayo anigoo weliba raali ku ah geerida kuna faraxsan”..
ma aysan gaarin sheekadiisu ilaa xadkaan jeer uu istaagay carabkiisu wajigiisuna uu isbadalay asigoo kudul dhacay gogoshiisi naftuna ay kabaxday asigoo leh.

“saaxibkeeyow waxaan kugu ogahay gabadhayda…”
waxaan joogay dhinaciisa muddo hal saac ah oo aan gutay wax kasta oo saaxiib uga waajibay saaxiib kale. kadib waxaan farriimo udiray saaxiibadiisa wayna imaadeen si ay uga qeybgalaan janaasadiisa. lamana arkin maalin ka ooyin badan maalinka geeridiisa. marki aan carrada ku rognay qabrigiisa waan argagaxnay balse waa goorma goorta la argagaxo?
ragga qalbiyada adagoow haloo naxariisto nafafka taagta daran ee haweenka











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment