Xog: Magacyada xubno Shabaab ah oo Mareykanka uu duqeyn ku baadi goobayo

Bulsha:- Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso Hogaamiyayaasha maleeshiyaadka Shabaab ee sida tooska ah uga howlgala Saldhigyada ku yaalla Gobolka Shabellaha Hoose.

Dowladu waxa ay tilmaantay inay si gaara u doondooneyso Hogaamiyayaasha ay ka go’do talada Kooxda kuwaa oo hadda isku khilaafsan go’aan ka gaarista ku biirida Daacish.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ka jooga Africa ee AFRICOM General Thomas Waldhauser, ayaa sheegay inay dajiyeen qorsho fog oo suuragalinkara in muddo kooban lagu dilo Hogaamiyayaasha ugu sareeya Shabaab.

General Thomas Waldhauser, waxa uu sheegay in dilalka iyo ugaarsiga Hogaamiyayaasha Shabaab ay u adeegsan doonaan diyaaradaha aan duulimaadka laheyn.

General Thomas Waldhauser, ayaa carab dhabay in shaqsiyaadka ay sida gaarka ah u doondoonayaan ay kamid yihiin Horjoogaha Shabaab Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) iyo Ku-xigeenkiisa Mahad Karataay.

General Thomas Waldhauser, ayaa ka digay in deegaanada ay ku sugan yihiin Hogaamiyayaasha Shabaab ay ka agdhawaadan dadka shacabka ah, waxa uuna farta ku goday inay ka go’an tahay inay soo afjaraan shaqsiyaadkasi.
Geesta kale, General Thomas Waldhauser, ayaa ku baaqay in Shabaab ay ka faa’iideystaan cafiska uu u fidiyay Madaxweynaha Somalia.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment