Xog dheerad ah oo laga helaayo sida foosha xun oo ay Shabaab u dileen 2 Ajnabi oo ka tirsaneyd

Bulsha:- Maleeshiyada Shabaab ayaa toogasho ku fulisay Ajaaniib kasoo jeeday dalka India, kuwaa oo kamid ahaa Dagaalyahanadooda.

Maleeshiyada ayaa dilka labadaani Ajnabi ka fulisay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ayna ku eedeeyen inay basaas u ahaayen dowladaha reer Galbeedka.

Labada ruux ee Ajaaniibta ah ayaa maleeshiyada Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka xiriirka caalamiga, waxaana ugu danbeyntii lagu eedeeyay inay si dhow ula shaqeeyan Sirdoonka reer Galbeedka.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in labadaani Ajaaniib dusha laga saaray shaqooyin aysan ku lug laheyb, balse uu ujeedka ahaa mid Salka ku hayay Khilaaf kala dhexeeyay Madaxda Shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in labadaasi nin ay iskudayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish, sidaa darteedna dhiigooda lagu xalaashaay inay yihiin Basaasiin ka dhex shaqeysa Shabaab, sidaana lagu dilay.
Geesta kale, dilkaan Shabaabku ay u geysteen Labada Nin ee u dhashay dalka India ayaa ka duwanaa dilalkii ay horay u fulin jireen Shabaab, waxaana uu ahaa mid si qarsoodiya loo fuliyay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment