XISHOOD DARTII HABLUHU KAMA HADLAAN BAAHITIRKA GALMADA.

Bulsha:- Nolosha Haboon ee Lamaanaha wadaagay guurka xalaasha ahi waxa ay ku wanaagsan tahay qanacsanaan dhan weliba haba ugu badnaata in Dumarka lagu qanciyo sheeko mug leh,labis heer sare ah, rajo gelin mustaqbal wanaagsan, iyo xaalada lagu tilmaamo dagaalka qabow ee ka dhaca sariirta dusheeda.

Sariirta dusheeda nolosha lagu wadaago daraasad ayaa tilmaameysa in ay tahay gogoldhiga guurka sidoo kale waxa lagu tilmaamaab bandhig ay ku kulmaan labo jinsi oo lab iyo dhedig ah sida ku cad daraasad kale firaash wadaaga labada jinsi waxaa shukaanta u haya ragga walow ay daraasadu leedahay in dumarka leeyihiin sharaxaada iyo qurxinta ciyaarta oo door muhiim ku leh.

Dumarka qaarkii ayaa la ogaaday in ay xishood dartii aysan dhag jalaq u siin hanaan wanaaga galmada ee sariirta dusheeda, iyada oo ay ugu wacan tahay dhacdadaasi in ay u arkaan wax ceeb ah in laga hadlo ha yeeshee waxaa meesha ka baxa kaalinta ay ku leeyihiin ciyaarsiinta raggooda xalaasha ah.

Xishoodka oo astaan u ah haweenka soomaaliyeed waa ifofaale muujineysa mid farxad gelineysa ragga soomaaliyeed waayo dumarka ugu xun waa tan aan xishoon oo aan ka sariigan waxyaabaha xunxun, laakiinse ragga ayaa waxaa la gudboon in ay xaasaskoodu furfuraan oo aysan xaajadu u noqon keligiis daneyste oo arrinku aanu noqon in dumarku yahay weel wax lagu shubto kaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment