Xiliga Shukansiga Hadii Lixdaan Qodob Aad Iska Adken Weyso Reerki Aad Dhisto Dhaqso Ayuu Dumi Donaa.(Adiga Lee Waaye)!!.

Bulsha:- Run ahaantii haasaawaha waa sahanka ugu horeeya ee guusha guurkaaga iyo mustaqbalkaaga waxaana loo baahan in aad sameyso juhdi dheeri si uu u bidhaamo mustaqbaalkaaga, haddii aad sameyso waxyaabo qiima gal inta aad ku jirto haasaawaha .

Haasawaha waa marin ama aasaaska jiridda loogu adkeynayo habsami-u-socodka hanaanka nololeed ee guurkaaga mustaqbalka waxaana wanaagsan in aad iska adkeyso aasaaskaasi si uusan hadhow si sahal ah ugu dumin jaceylkaaga kaasoo laga yaabo in aad dhiseysay muddo aad u dheer, haddii aad aragto guur ama qoys si fudud ku kala tagaya waxaad ogaataa in guurkooda uusan laheyn saldhig aasaas kaasoo horey loo adkeeyey.

Haddaba su’aasha isweydiinta leh ama mudan waxa ay tahay sidee ayaa loo adkeynkaraa haasaawaha waxaa jira mabaadii’ u dhigan habsamida noolasha iyo noolaha taasoo uu ku habeyn karo afkaar macnawi ah si uu u sugo dhisitaanka noloshiisa waxyaabaha uu ruuxa jaceylka hayo ku kobcin kara aasaaskana ugu adkeysan karo haasaha ayaa waxaa koow ka ah muujinta Kalsooni buuxda xilliga uu ku jiro haasaawaha taas ayaa waxaa kalsooni buuxda siineysaa lamaanaha kale waxaa meeshaas dhakhsi imaaneysa kalsooni iyo farxad wada jir ah.

Kalssoonida ayaa ku siineysa hami iyo u heelanaan buuxda waxaana loo baahan yahay xilliga aad la joogta ama ku jirto haasawahaaga inaad muujiso kalsooni kaasoo aad ka muujineyso dhan walbo inaad isaga kalsoon tahay markaasoo lamaanaahaga uu ku qanac qaadi karo muhiimadda aayaha guurkiina iyo raas wada dagistiina.


Marka aad ku jirto haasawaha tusi lamaanahaaga kalsooni dhab ah una dhiiraan dhiri rabitaan kalsooni ku dhisan si uu u saldhogo aayaha guurkiina dambe, tusi inaad ku kalsoon tahey waxyaabahaan soo socda:-

1: Inaad ku kalsoon tahey ruux ahaan lamaanahaaga iyo jaceylkiina.

2: Inaad ku kalsoon tahey adkeynka xiriirkiina jaceylka.

3: Inaad ku kalsoontahey noloshiina dambe ee guurka.

4: Inaad ku kalsoon tahey dhaqanka iyo quruxda uu leeyahey lamaaanahaaga.

5: Inaad ku kalsoon tahey u adkeysiga daruufaha isla aad kalsooni ku qabitid u babac dhigista iyo maareynta caqabada imaan kara.

6: Inaad ku kalsoon tahey awoodaada dhaqaale, nafsiyeed iyo xil iska saaridda maareynta hanaanka qoyskiina mustaqbalka.

Qubarada ku xeelka dheeraatay waxa ay soo calaamadeynaayaan in haddi intaan iyo kaloo la mid ah laga muujiyo kalsooni xilliga uu markaas dhidibo fiicaan isku taagi karo guurkiina mustaqbalka, haddaba bahda mucaashaqiinta waxaan jecel naha y in ay xilka isla saaraan muujinta kalsooni si markaas loo higsado yool ifaaya oo ah nagaadi guur.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment