Xiisaha ay dadka iswiidhishku u hayaan galmada oo sii yaraanaya

Bulsha:- Waxaa daraasad dhowaan la sameeyey lagu muujiyey in caadeysiga isla-galmoodka dadka iswiidhishku ay hoos u dhacay toddoba iyo tobankii sanoo ugu dambeysey. Pelle Ullholm oo ka socda ururka ku wacyi-gelinta bulshada ee arrimaha la xiriira galmada oo loo gaabiyo RFSU ayaa sheegay mar uu hadlayey baahida loo qabo daraasad cusub:

- Caadada isla-galmoodku waxay sideedaba ku dhisan tahay aqoon mar walba u baahan macluumaad cusub. Wixii ka dambeeyey sannadkii 1996, waxaa dhacay waxyaalo badan oo saamayn ku yeeshay habka aan u noolnahay. Waxyaalaha saamaynta ku leh dareenka isla-galmoodka waxaa mid ah habka loo nool yahay, xaaladda shaqada iyo marxaladda noloshu mareyso.

Pelle Ullholm wuxuu intaa ku daray in daraasad cusub oo lagu sameeyo dhaqanka isla-galmoodka bulshadu ay waxtar u yeelan karto fiyoobida dadka. Maalintii jimcihii la soo dhaafay  ayey shirkadda United Minds soo saartay waraysi qoraal ah oo lagu daabacay wargeyska Aftonbladet. Waxaa qoraalkaas ku qornaa in aysan dadka iswiidhishku isu la galmoon sidii hore iyo in xiisihii ay galmada u qabeen hoos u dhacay marka la barbardhigo baaritaankii uu machadka caafimaadka dadweynuhu sameeyey sannadkii 1996. Dad badan ayaa xisahaas yaraaday u sababa daal badan iyo culeys xagga nolosha. Pelle Ullholm ayaa mar kale yiri:

- Dad badan oo xiriir dad kale la leh oo weliba laga yaabo in ay carruur yaryar haystaan, ayaa ku hawllan waxyaalo badan oo ay ku mashquulsan yihiin. Waa fududahay in liis lagu qoro maalinta dharka la dhaqayo ama qashinka la soo tuurayo, laakiin waa ka adag tahay in liis lagu qorto maalinta la isla galmoonayo, waayo isla-galmoodku waa dareen ku dhisan rabitaan iyo in uu u dhaco hab kedis ah. Waa wax dareen ku dhisan ee ma aha wax la sii qorshayn karo.

Pelle Ullholm wuxuu qabaa in isla-galmoodka oo yaraaday aan loo micneyn karin wax xun. Haddii isla-galmoodka laba qof oo isla nool uu yaraado waxay astaan u noqon kartaa in labadaas qof isdhegeystaan oo u nool yihiin hab sinnaan ku dhisan:

- Waxaa dhici kara in laba qof oo ku nool xiriir aan sinnaan ku dhisaneyn uu midkood galmada aad u doonayo iyadoo uusan midka kale door la mid ah la qaadaneyn. Haddii aan taariikhda dib ugu noqonno, waxaa noo muuqanaya in aan hab galmo oo sinnaan ku dhisan ka dhexjirin ragga iyo dumarka. Haddii ninku uu galmada u doonayo habka ka badan habka uu qofka dumarka ahi u doonayo, waxaa kolkaa dhacaya in ninku uu fursad ugu helo in galmada loo sameeyo habka iyo goorta uu doonayo. In isla-galmoodku sidaas u bataana ma aha mid wanaagsan.
Ururka RFSU wuxuu qabaa in ay daldaloolo ku jiraan aqoonta loo leeyahay arrimaha la xiriira galmada, sidaas awgeedna loo baahan yahay in daraasad cusub lagu sameeyo. Pelle Ullholm wuxuu mar kale sheegay in ay sababo badan muhiim u tahay in daraasad lagu sameeyo nolosha isla-galmoodka dadka iswiidhishka. Waxaan ognahay in ay dadku ay fekrado kala duwan ka qabaan oo siyaabo kala duwan u qiimeeyaan. Laakiin aysan badanaaba fekradahaas iyo qiimeyntaasi ku dhisnayn daraasad-aqooneed. Sidaas darteed ayey muhiim u tahay in la soo ururiyo macluumaad cusub:

-Waxaa macquul ah in aan u baahannahay daraasado cusub oo aan ku eegeynno sida uu isla-galmoodka bulshada guud ahaan u muuqdo. Marka dadka lagu wacyi-gelinayo aqoonta la xiriirta isu-galmoodka waxaa lagama maarmaan in bilowga iyo dhammaadkaba la soo ururiyo maclumaad xaqiiqada ka hadlaya.



Ma kula tahay in hawsha badan ay yareeyso damaca galmada?










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment