Taleefanka Kama Dheeraatid Sooma Adiga Oo Sugaya Fariin Kaaga Timaada Gacaliyaaga? Hadaba..

Bulsha:- Waxaa laga yaaba in aad ka mid tahay haweenka aan ka dheeraan taleefanka ee sugaya fariin cusub oo gacaliyaheeda uga timaada , hadaba newbanaadir ayaa ku siineysa talooyin gacaliyahaaga ka dhigeysa mid ka soo jawaaba fariimahaada.

* U Ogalaaw In Uu Ku Sugo : arinkaan waxaa laga yaabaa in uu adag yahay , marka gacaliyahaaga fariin ku soo qoro si deg deg ah ha uga jawaabin , ugu yaraan 30 daqiiqo sug oo ka dib u jawaab.

* Ha Buun Buunin : Hadii uu kuu soo diro fariin kaliya u jawaab ha u dirin farimo badan , muhiimada waxa ay tahay in aad isaga ka yeeshid mid kula hadlaya .

* Arimo Kale Ihtimaamka Sii : Marka aad la hadleyso xabiibkaada waxaad sameeysataa qodobo aad kala hadleyso , haka yeelin in uu u maleeyo in kaliya isaga ka fikireyso oo danahaaga kale aad iloowday.

* Ha Dhigin Balan Been Ah : Wax qasbaya ma jiro in aad u sameneysid wax waliba oo uu kaa dalbado , taasi xal ma aha ogoow mana ka dhigeyso arintaas mid kuu soo jawaaba .

* Ha U Dirin Sawirkaada : ha u dirin fariin uu sawirkaada ku jiro maxaa yeelay saaxibadiisa ayuu tusayaa ogoow kaligiis kuma koobnaanayo sawirkaas mana ka soo jawaabayo inta badan fariimahaaga.

* Ha Weydiin Waxa Uu Deg Deg Uga Soo Jawaabeyn Fariimahaaga : tani ninka waa uu neceb yahay waxa ayna u muujineysaa in dhan waliba aad isaga kaga baahan tahay .

Ogaaw Qiimahaaga : waxaa muhiim ah in aad ogaato in aad leedahay qiimo aad u sareeya , gacaliyahaagana uu ku qasban yahay in uu ku dhageysto kuna farxad giliyo si uu u helo raali ahaanshaaga , ha isku dayin in aad baacsato oo aad cadaadis saarto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment