Qiyaana Dumar Xanuun badanaa ! (Qiso Xanuun badan) oo ku dhacday wiil soomaali ah

Bulsha:- Qisadan ayaa waxa ay ku dhacday shaqsi aan ka gaabsanay in magaciisa aan soo xigano waxa uuna ka shekeeyay sida dhabta ay ay qisadan u sameysay nolashiisa,

Qisadan oo ah mid dhab ah ayaa ku bilaabaneysa sida tan,

Waxaan magaalada muqdisho ka soo tagay xiligii maxkamadaha islaamku dalka ay qabsadeen waxaan tahriibkeeyga ka soo bilaabay magaalada muqdisho oo aan ku noolaa ilaa yaraanteeydi waxa ayna ii ahayd safarkeeygii iigu horeeyay ee aan ku bixiyo meel ka baxsan magaaladii aan ku dhashay ee xamar iyo guud ahaan dalka soomaaliya,

Socdaalkeyga ayaa waxa uu ku wajahna dalka koofur afrika oo la iiga sheegay fursado shaqo reerkeena ka baahi tiri karo duruufaha nolol xumo ee reer keena,waxaan go’aan ku gaaray in aan south afrika u soo baqoolo waxaan soo bilaabay safarkeeygii ugubka ahaa,

Waxaan imid magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya waxaana ku sugnaa mudo sanad ah waxaana isla markii aan imid ka helay shaqo kabalyeeri nimo ah oo aan ku maareeyn jiray nolosheeyda waxaana is baranay gabadh calafkuna waa noo saamaxay in aan is guursano waxaana ka doonay reerkooda oo Nairobi daganaa 2 bilood oo qura markaan is qabnay ayaan safarkeeygii sii watay si aan u gaaro yoolkeeygii ahaa south afrika ,

Markii aan kaso dhaqaqay magalada nairobi ayaa Waxaan soo raacay doon aan dad ka badan 110 qof ku soo raacnay oo labaatan ithopian yihiin waxaana illaah nagu soo amaansaday ku soo gaarnay xeebta dalka musanbik waana ka soo gudbay dhib iyo rafaad badan kadib waxaan soo gaaray siliga laga soo tilaabo ee bodharka dalalka musanbik iyo south afrika markii aan soo galay dalka ayaan waxaan ka shaqo bilaabay dukaan wiil aan is garaneeynay uu lahaa sanad kadib ayaan dukaan furtay .Intaas aan shaqaalaha ahaa waxaan xaaskeeygii aan jeclaa aan u diri jiray biil 300$ madaama ay qurbo joogto laakiin maxaa dhacay.

Hadaba Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaa is dagaalnay nin shaqaalaheeygii ka mid ahaa waxaana uu ka tagay shaqadii waxaana raadiyay shaqaale ii qabta shaqadii uu ninkii hore ka tagay waxaa nin aan sxb nahay uu igu soo daray yar ay qaraabo yihiin waxaan u qortay shaqaalonimo,

Wuxuu ahaa nin aad u fur furan bashaash ah shaqo karna ah wiilkii shaqaalaha ahaa ayaa waxa uu haben habeenada ka mid ah I weeydiistay telfoon Allshukaansi.com ah aan lahaa in aan u dhiibo si uu u wacdo saaxbtiis oo Kenya joogta waan siiyay telfoonkii waana uu wacday,

Lakin Markii uu bogtay ayaan xaskeeyga wac maagay misana lambarka uu wacay waa lambarkii xaaskeeyga waxaana I galay tuhun iyo dareen aan ka qaaday waxaana weey diiyay gabadho uu wacay iyo faah faahinteeda waxaana iigu jawaabay (waxaan wacay gabadh sxb teey ah oo aan is jecel nahay waana gabadha iga soo bixisay lacagta aan ku imid south afrika waxaana sxb nahay mudo lex bilood ah waxaana la dhahaa farxiyo maxamad akhristoow markuu intaas marsiinayo ayaa wish ii yeeray noloshuna ii kharaaraatay meel aan joogana garan wayay,

Ugu danbeeyntii Waxan sameeyana garan waayay waxan furay durba tillkii ama qasnadii dukaankeeygii waxaana weeydiiyayy lacagta uu 20 maalmood iigu shaqeeynayay si hal haleel aha yaan u siiyay iskana ceeyriyay ee tallow dadweynoow maxaan sameeyaa oo ay iga mudan tahay marwadii aan aaminay waana jeclahay oo ma furi karo marnaba balse dhibkaas ayaa i haysta ee talo ayaan idiin weydiisanayaa














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment