Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu bixiyey amarka Lagu dilay Sarkaal sare oo Ka tirsan Al-shabaab

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ogolaaday weerar duqeyn ah oo lagu khaarijiyay Sarkaal sare ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkan oo shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse aan magaciisa la shaacin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa war kooban uu ku qoray bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha uu bixiyay amarka lagu dilay Sarkaalka.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in howl gal ay qaadeen Saaxibada Caalamiga ay ku dileen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Inta badan Mareykanka ayaa weeraro bartilmaameed ah ka fuliya Soomaaliya, kaasoo lagu beegsado Saraakiisha Al-Shabaab.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan weerarka dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab ayaa wali wax war ah ka soo saarin warka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya ee ah in la dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Muqdisho u qaabilsanaa











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment