Imaaraadka Carabta oo soo jeediyey arrin yaab leh oo laga qaado dalka Qatar

Bulsha:-  Imaaraadka Carabta ayaa soo jeediyey talo u muuqata in maxmiyad lagu gelinayo dalka Qatar oo ah in dalkaasi si caalami ah dusha loo gala socdo.

“Waxana u baahannahay xal gobol iyo kormeer caalami ah oo Qatar lagu smaeeyo” waxaa sidaas sheegay Anwar Gargash oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta oo la filayo inuu maanta arrintan si rasmi ah ugaga dhawaaqo magaalada London.

“Waxaan u baahannahay inaan xaqiijino in Qatar oo ah dal haysta 300 oo bilyan oo dollar oo keyd ah uusan noqon dal si toos iyo si aan toos ahayn u maal-geliya argagixisada caalamiga ah” ayuu yiri wasiirka, isaga oo an bixin wax faahfaahinno ah oo ku saabsan qorshahan ay damacsan yihiin.

Qatar horey ayay u beenisay dhammaan eedeymaha loo jeediyey ee ku saabsan inay mala-geliso argagixisada.

Anwar Gargash ayaa dhinaca kale sheegay in heshiiska is-afagarad ee ay wada saxiixdeen Qatar iyo Mareykanka ee lagula dagaalamayo maal-gelinta argagixisada uu yahay bilow wanaagsan, hase yeeshee uusan wax badan ka qabaneyn walaacyada ay qabaaan.

“Waxaan hadda aragnaa in cadaadiska aan Qatar saarnay uu shaqeynayo, hase yeeshee waxaan diyaar u nahay hanaan socon doona waqti fog”ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ay shaaca ka qaadeen in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dambeysay afduubkii Internet ee lagu sameeyey hay’adaha warbaahinta dowladda Qatar ee dhaliyey xiisadda ka aloolsan gacanka Carbeed.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakisha ayaa qoray in 24-kii bishii May la qabsaday wakaaladda wararka Qatar, kadibna lagu daabacay hadallo loo tiriyey amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani, oo uu ku ammaanayo Iran iyo ururka Xamas, kuwaasi oo qiil looga dhigtay in xiriirka loo jaro Qatar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment