Hadii lagu Qabo Maxaa Mar Hore iigu Sheegi Weyday ( Qiso Dhab ah oo Naxdin leh)

Bulsha:- Maxamed Wuxuu ku noolyahay Magaalada Nairobi, waa nin Furfuran dabeecad wanaagsan, Saaxiibo badanna leh, wuxuu in muddo ahba ku noolaa Magaalada Nairobi, wexey maalin maalmaha kamid ah is barteen Sacdiyo oo iyana aheyd gabar Saaxiibo badan ku leh Magaalada.

Maxamed iyo Sacdiyo ma aha labo qof oo kala dhaca ee Maalin kastaba waxaa la aadaa Casuumaad Saaxiibadooda ay u sameynayaan.

Markii la’is baranaayay waxaa la isu sheegay in Maxamedna uusan Xaas laheyn Sacdiyana aan Waligeed la guursan, laakiin maxaa dhici doona hee.

Maxamed iyo Sacdiyo waa la sheekeystay waa la’is dhexgalay waa la’isku dheerdheeraaday, laakiin Sacdiyo ayaa hoosta ku wadatay qorshe kale oo maxamed ay ka qarineysay.

Guriga Sacdiyo lama tago laakiin waxaa inta badan lagu sheekeystaa guriga Maxamed oo Faarax oo ay isla daganyihiin Maxamed uu in badan ka ogyahay Xaaladda sidaas darteedna markasta guriga u baneeya si Maxamed iyo Sacdiyo ay ugu sheekeystaan.

Sacdiyo wexey Maxamed ugu sheekeysay in Guriga Hooyo iyo Aabo ay joogaan oo aan la tagi karin xitaa agagaarkiisa, Laakiin wax kale ayaa guriga ku duugan.

Maxamed wuu ka ogolaaday in Guriga Sacdiyo aan la tagin oo kiisa uun lagu sheekeysti, wuxuuna aaminay in sacdiyo ay gabar Wanaagsan ay tahay Bacdamaa ay waalidkeeda sidaas dhan uga baqeyso, laakiin arintu sidaas maaha oo balaayo kale ayaa jirta.

Sacdiyo Waa Xaas 4 Caruur ah heysata, marka aad Kor ka eegto waa Gabar yar oo xittaa Naasaheeda uma eka kuwo la nuugay, Guriga waxaa jooga Caruurtii iyo Ninkeeda Hooyadiis.

Ninka Sacdiyo wuxuu ku maqanyahay Ingiriiska wuu soo biishaa, xaaskiisa wanaagsan ayey u tahay Halkaanna wexey ku heysataa Maxamed oo isagu damacsan in uu Guursado.

Sheekadu wey fashilmi rabtaaye eeg,

Maxamed oo Asxaab badan wuxuu Sacdiyo ku Casuumay Xaafad ku taalla  guriga ay dagantahay meel u dhow waxaa jooga Shukri iyo Khadiija oo labaduba saaxiib la ah Maryan oo dagan Guri ku dhagan Guriga Sacdiyo ay ku nooshahay ee ay Caruurta ku heysato.

Isbarasho iyo sheekeysi kadib, Khadiijo hasoo boodo oo Sacdiyo ha weydiiso Abaayo Wajigaaga waa igu yaallaa ee inteen isku aragnay.

Sacdiyo Indhaha ayey shidatay wexey ku jawaabtay Waligeyna Filim kaama daawan abaayo ee amaad qof kale igu qaldee.

Shux-Shux ayaa bilaabatay oo Shukri iyo Khadiijo ah waxaa taleefan lagu wacay Maryan oo Sacdiyo Daris la ah waxaa lagu yiri Kaalay gurigeenna Imoow, maryan oo ordeysa waa tan markii ay indhaha isa saareen Maryan iyo Sacdiyo oo Fadhiga fadhiday waa la is eegay waa la’isa salaamay, Maryan iyada oo aan ogeyn waxa Meesha ka jira ha tiraahdo Naa Maryaney Wilkaaga ayaan Banaanka ku arkayay haddee yaa Caruurti uga soo tagtay.

Qof waliba indhaha ayuu taagay Naxdin Jug, Sacdiyo wexey Maxamed ka qarineysay waa Fashilmeen, Khadiijo ha waddo Maryan oo Qolka intey la gasho ha usoo sheegto waxa jira Kadib Maryan oo indhaha taageysa intey soo laabatay ha tiraahdo abaayo iyo Aboowe Sorry.

Dagaal ayaa halkaas ka bilowday Markii ay Fashilantayna Sacdiyo wey iska qiratay in Xaas ay tahay Caruurna ay leedahay.

Maxamed Wuxuu ku Calaacalay Maxaa mar hore iigu sheegi weyday in aad Xaas tahay Sheekadiina Halkaas ayey kusoo gabagabowday oo waa lakala tagay, Sacdiyana ilaa iyo Hadda Wexey Raadisaa oo ay daba socottaa Maxamed oo wexey leedahay Ninkaan kale waan iska soo furaa Maxamedna Dumarba Aaminaadooda wuu ka baxay Nabad-galyo.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment