Gabadha Guurkeeda Kadib Lasoo Baxdo Arimahaan Waxey Ku Guuleysatay Riyada Nolosha…

Bulsha:- Inta badan haweenka waxa la yidhaa meel dhow ayay wax ka eegaan hase ahaatee waa Xubin aan marnaba nolosha looga maarmin, Dadaal badan kadib Guurka labada lamaane waxa Hogaanka guud u qabta ragga inkasta oo Dumarkuna Dowlada hoose ka yihiin boqortooyada qoyska.

Haweenku waxay leeyihiin awoodo badan oo ay ku muquurin karaan Seygooda wakhtiga guurka kadib , inta badan gabadhu kama nasato Agaasinka gurigeeda waana waxa uu mustaqbalkeedu ku dhismi karo waxana ay u hawl gashaa sidii  ku heli lahayd Guri waaafi ah. waxa suurtogal ah gabadhu in ay wajiga badasho seygeeduna garan waayi sidii uu ku xalin lahaa balse.

In gabadhu mar walbo Afkeeda isku amaanto oo ay Seeygeeda wax tusto, Waxay isku Amaani kartaa in laga arko Gurigeeda bilic wanaaga, waa in ay hagaajiso guriga alaabaha kala habeyso Habeen kasta cusub ay firaashka dhigto mid soo jiidasho badan.

Waa in ay gabadhu isku mashquusho oo ay is hagaajisaa iyadu , xidhataa dhar qurxoon ah si ay usoo bandhigato Barwaaqada uu Alle ku maneystay.

Hadal macaanida, in gabadhu ay u hadal soo jiidasho leh seygeeda kula hadasho iyada oo og in uu wajiga maroorinayonin kasta oo aamusan waxa lagaga guuleeysan kartaa Dhoola cadeyn wakhti joogto ah, marka  ha xidhin aduu wajigaaga .
Waxa hubaal ah in Seygaagu isbadalkaasi dareen badan ku beeri doono cuqadada iyo aamusnaantiina iska ilawi doono .











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment