Fariin Daadis Ah Kuna Haboon Qof Ku Qiyaanay Balse Isku Dayaya In Uu Been Kugu Raali Giliyo

Bulsha:-Weligey kama shakin daacadnimadaada xitaa daqiiqado yar,waxaa la ii sheegay inaad daneyste tahay oo aad keliya naftaada ka fekerto,laakin aniga taas ma qaadan.

Sidee iigu sheegeysaa inaad aniga ii nooshahay mar hadiiba aad naftaada keliya inaad qanciso hamigaaga nolosha uu yahay?
Waan ku arkay adigoo i qiyaamay,laakin waxaad ku adkeysaneysaa in aadan qalad iga gelin, sidee loo kasbadaa daacadnimo mar hadii aan indhaheyga ku saaray?

Markii aan is iri waad wada dhisi kartiin nolol aayotiin wacan leh oo qalbigeyga aan gacanta kaa saaray waxaad na dhex dhigtay masafooyin .
Qalbigeyga wuxuu la taahanayaa xanuunadii aad u geysatay,adigoon aanan ka fekerin cawaaqibka ka dhalan kara dibindaabyadaada.
Aniga waan ka baxay noloshaada dhaawacyada iyo cadaadiska badneyd ,mana i arki doontid waqti kale.

Waxaan rabi lahaa inaad mar dareento waxa aan kuu qabo,haseyeeshee aad ayey kugu adkaatay inaad tijaabiso marxaladaas.
Hadey kula tahay nafta bini aadamka sida ciyaaraha game-ka waad qaldan tahay xabiibi,naf ku aamintay abaal loogama dhigo qiyaano, Lamana dhaawaco qalbi kuu furay albaabadiisa inaad naxariis kula noolaato,haseyeeshee waqti badan ayey qaadaneysaa dad badan oo qalbiyadooda uu hogaamiyo dhaldhalaalka hore ee indhaha soo jiita.
Waa xaqiiq weynoo kala dhamaatay ka faa’iideyso xanuunka aan qabo,kuna noolaaw farxada qalbijabkeyga.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment