4 Siyaabood oo lagu garto Gabadha ku jecel. (Xog Xasaasi ah)

Bulsha:- Dhalinyaro badan ayaa ku jahwareersan calaamadaha lagu garto gabadha ku jecel, sidaas darteed ayaan halkaan ku soo gudbineynaa qaab sahlan oo aad arintaas ku ogaan karto, waxaana ka mid ah:

Is banaan dhigid: Sida la wada og yahay illaa xad gabdhuhu waa ay ka xishoodaan qofka ay jeceshahay haddana iyadoo sidaas ay ahaa ayay banaanka isi soo dhigtaa oo ay sameeysaa calaamado lagu garan karo.

gabdhaKu dayasho: Waxay marwalba iska dhigtaa gabadhu dabeecadaha ninka ay jeceshahay, sida habka uu u hadlo iyo dhaqankiisa.

Baadigoobka Wada hadalka: Gabadha wax jecel waxaa lagu yaqaanaa inay raadiso wada hadal dhexmara iyada iyo qofka ay jeceshahay waxayna abuurtaa jawi abuuri kara wada hadal sidaas darteed taasina waa calaamad aad ku fahmi karto.

Codka Dabacsan: Dumarku waxay leeyihiin cod yaab leh oo hibo ah, waxay ku soo jiidan karaan qofkii ay doonaan sidaas darteed astaamaha dumarka codadka kuu dabciya, dadka kalena ku adkeeya ogoow wey ku jecesahahay.

Indhaha: Indhaha ayaa ah halka ugu horreysa ee lagu garto in qofka jaceyl hayo iyo inkale, iyadoo ay horay u jirtay maahmaah soomaaliyeed oo halkudhigeedu ahaa ”Indho is jecel isma eegi karaan” sidaas darteed indhaha ayaa laga dareemaa.

 

Calaamadahaani waxaa ay ka mid yihiin astaamo guud oo lagu garto dumarka wax jecel ama adiga ku jecel, waxaa kale oo jiri kara astaamo intaas ka sii badan mar haddii ay kala duwanaan weyn ka dhex jirto dabeecadaha dumarka iyo garashadooda iyo welibana da’dooda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment