Blogger Widgets

SAWIRRO: Shariif Xasan oo La Kulmay Madax ka Tirsan Shirkadda DP WORLD Iyo Dekeda Baraawe oo miiska saaran

Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulamo kula leh Madaxda Shirkadda DP World.

Shirkadda DP World ayaa horay ula wareegtay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiisyo kala gaar gaar ah la gashay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Shirkaddan laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif Xasan iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ay miiska isla saareen sidii loo dhisi lahaa Dekeda Baraawe oo ku taal meel istiraatiiji ah.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la qiimeeyo Baraawe, si loo soo arko meelaha maalgashiga u baahan, waxaana la filayaa in DP World ay wafdi qiimeyn ah u soo dirto Baraawe, si ay arkaan.

Imaaraadka Carabta ayaa xilligan saameyn xooggan ku yeelanaya maamul goboleedyada dalka, iyadoo xiriir dhow la leh Madaxweynayaasha maamuladaas oo horay dalkeeda ugu yeertay

Baraawe oo ka mid aheyd magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee Soomaaliya ayaa leh marin caalami ah oo istiraatiiji u aheyd maraakiibta oo ay Transit ahaan u isticmaali jireen xilliyadii bur burka ka hor, iyadoo laheyd buundo badda iyo magaalada afkeeda isku xirta oo lagu magacaabo Jilaani, taasoo ku bur burtay dagaalkii labaad ee Adduunka oo Ingiriiska iyo Talyaaaniga ku dagaalameen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment