Maxaa Sabab U Ah Jahwareerka Iyo Isku Qasnaanta Soo Wajahdo Hablaha Xilliga Guurka Koowaad.

Bulsha:- Gabadh kastaa markay gaadho da’da guurka waxay qalqaalo iyo tabaabushe u gashaa sidii ay u xulan lahayd qofkii ay nolosha la qaybsan lahayd, isla markaana waxay sahamin iyo baadhis ku samaysaa ragga, iyada oo ka dhex raadinaysa dhiggeeda ay is leedahay wuxuu kuu horseedi karaa nolol wanaagsan.

Sahamintan kadib markay gabadhu hesho qofka ku haboon, waxay u hawlgashaa arrimuhuna u diga rogtaan guur iyo in reer la yagleelo, tanina maaha wax lala yaabo oo waxay arrintan haweenku kala siman yihiin ragga.

Haddaba, guurku waa qayb ka mid ah nolosha, la’aantiina aanay bulsho jirteen. Sidoo kale dhaqanka Soomalida ayaa ah mid dhiiri galinaaya inay dhallinyaradu guursadaan markay gaadhaan da’da guurka, sidaa si lamid ah diinteena suuban ee Islaamka ayaa iyana ina faraysa iyadoo inoo sheegaysa in guurku yahay dawo, isla markaana uu qofka ka badbaadiyo inuu ku dhaco sino iyo xumaan kale.

Gabadh kasta oo Soomaaliyeed waxa la soo dersa dhibaatooyin kala duwan markay damacdo inay guursato, waxaana ku adkaada go’aanka kama dambaysta ah ee ay ka qaadanayso ninka ay rabto, waayo waxay ka baqataa inuu ninku noqon waayo, ninkii iyada ku habboonaa oo hadhow ka qoomamayso agtiisana ka waydo farxadda ay rabto. Ninka ay gabadhu dooranaysaa waa ninka ay rabto inu uu la noolaado inta ka dhiman nolosheeda, una horseedo farxad iyo ray-rayn aan dhamaanayn. Waxa laga maarmaan ah inay gabadhu ku doorato caqligeeda oo ay iska hubiso si aanay ugu dagmin hadalada beer laxawsigaa ah ee ay raggu ku haasawiyaan dumarka.

Waxa dhacda in dumar badani ku doortaan ninka qalbiga oo ay kaliya yidhaandaana ’’ Waan jecelahay sababtaa darteed ayaan u guursaday’’ taas oo marka danbe ku noqota gabadha falaadh ku mudan ciil iyo murugana ay bariinsato, waayo waxba may hubsan waana halka ay Somaalidu ku maah-maahdo “Arrintaan la rogrogin rafaadbaa lagala kulmaa.” Taa macnaheedu maaha ha guursan qofka aad jeceshahay, laakiin nuxurkeedu waa hubso adoo adeegsanaaya garaadkaaga.

Si gabadhu uga badbaado jahwareerka ku dhaca xiliga ay rabto inay xulato qofkii nolol wanaagsan u horseedi lahaa waxa lagama maarmaan ah inay ninka ku xulato tijaabisana inu ku sifaysan yahay arrimahan soo socda kuwaa oo dayr iyo xijaab uga noqon kara in ay isqoomamayso guurka ka dib.

Ninka ku wanaagsan diinta

Uma jeedo ninka diinta si fiican u yaqaan ee aan ku camal falin, laakiin waa ka ku camalfala una hogaansama awaamiirta ay diinta islaamku farayso kana feejigana inuu sameeyo wixii xumaan u horseedi kara. Maskaxda ku hay ninka Illaahay ka fog inaanu ku wanaajinayn, wuu ku dulmi, xaqaagana wuu duudsiyi, waxa aad u eegtaa akhlaaqda uu diinta u leeyahay waana tan arrinta u mihiimsani.

Ninka hantida leh

Iska hubi inuu reer masruufi karo oo uu dhaqaale ahaan awoodo inuu reer dhaqo, waxa lama huraan ah in hadii uu ninku reer dhisaayo uu haysto dhaqaale fiican, maxaa yeelay waxa uu Ilaahay ku waajibiyey raggu inay haweenka masuul ka yihiin labiskooda iyo quudkoodaba, sidaa awgeed sabool kama soo bixi karo wajibaadkaas.

Ninka waalidkii iyo ehelkii wanaajiya

waa ninka marwalba wanaajiya una samafala waalidkii, waa ka xidhiidhiya ehelkiisa iyo qaraabadiisa, waa ninka marwalba waano iyo wax sheeg la hortaagan qaraabadiisa, waa ka waalidkii fara wanaaga, xumaantana ka ilaaliya una hogaansan waxa ay waalidkii faraan ee aan xumaan iyo xad gudub ahayn.

Ninka beenta badan

Iska ilaaalin ninka beenta badan, ka digtoonow ninka aaminsan maahmaandan; “Dumar beenbaa lagu soo xero galiyaa, runa waa lagu dhaqaa.’’ Wuxuu kugu haasaawin been aan jirin waanu kugu dhisi, hadhowna run kuu sheegi mayo waa nin kalsoonidu ku yar tahay, waana nin diciifa ragganimana ka dheer, waa bakhayl runta kaala masuugay maxaad kale ka sugaysaa?

Ninka akhlaaqda fiican

Akhlaaqda iyo dabeecadaha wanaagsani waa kuwa dhisa reer, akhlaaqda wanaagsan ee ninku waxay wanaajisaa guriga waxay horseedaa naxariis, kalgacal iyo xiiso joogta ah, waxay xoojisaa isku duubnida lammaanaha iyo wax-wada-qabsiga, waxay meesha ka saartaa naxliga iyo dhibaatooyinka horseeda bur burka qoyska.

Ninka kuu qalma

Ha guursan ninka aadka kaaga weyn, laakiin raadso nin aad isku fac tihiin, sidoo kale ha guursanin ninkaad ka cilmi iyo aqoonta badan tahay, waayo waxa xaqiiq ah inaydaan isfahmayn, isku day inaad nolol la wadaagto nin da’a ahaan kuu dhaw, isla markaana kaa yaqaan dhinaca cilmiga diiniga iyo maadigaba.

Ninka wax garadka ah

waa ninka had iyo jeer la jaan qaadi kara wajiyada cusub ee ay noloshu leedahay, waa ninka idheer garadka ah ogna in dhibaato kastaa xal leedahay, waa ka had iyo jeer meel dheer wax ka eega aqoonna ka korodhsada casharada uu ka barto nolol maalmeedkiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment