Madaxweyne Farmaajo iyo Wafti uu Hogaaminayo oo goordhow gaadhay Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, halkaasoo wafdiga Madaxweynaha si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo bulshad areer Kismaayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyagoo ka wada hadli doona arrimaha federaalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo inta badan deegaanada maamulkaas ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo, waxaa Madaxweynuhu kormeeri doonaa Dekeda Kismaayo iyo goobo kale.
Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin badan oo gudaha iyo banaanka magaalada, halkaasoo ciidamo la dhigay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment