Goormee ayuu Eng. Yarisow isku bedelay wasiirka arrimaha dibadda Somalia (Arrin yaab leh oo uu sameeyey)

Bulsha:-  Iyadoo dhawaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu ka digay in Wasiirada qaar ay ku xadgudbaan howlaha khuseeya Wasaaradaha kale ayaa waxaa khaladkii ugu horeeyay ku dhacay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ”Eng. Yarisow”.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha, ayaa kulan la qaatay Mr Obiga Kania oo ah ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda ahna Wasiiru Dowlaha wasaarada.

Eng. Yarisow, ayaa Wasiirka kala hadlay howlaha loogu tallo tagal Wasaarada arrimaha dibadda, isagoo ka codsaday in Somalia loo fududeeyo sharciyada dal ku galka dalka Uganda.

Eng. Yarisow, waxa uu u sheegay inay muhiim tahay in dowlada Somalia si fudud looga aqbalo fududeynta sharciyada, waxa uuna cadeeyay inay jiraan dhibaatooyin badan.

Eng. Yarisow, waxa uu sidoo kale ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda ka dalbaday in loo fududeeyo waxbarashada dhalinyarada kasoo qalin jabisa Iskuulada ku yaalla dalka ee Jaamacadaha u aada Ugandha.

Waxa uu Yariisow sheegay inay jiraan kumanaan arday qalin jabisay oo aan heysan dal ku galka dalka Ugandha, sababo la xiriira culeyska ka heysta helida Fiisaha.

Eng. Yarisow, oo magaalada Kampala u gaaray howlaha Wasaarada Warfaafinta ayaa waxa uu mar qura isku bedelay Wasiirada arrimaha dibadda iyo Waxbarashada DFS.

Eng. Yarisow, ayaa marka la’eego ka gudbay xeendaabka howlaha Wasaaradiisa, maadaama uu Ugandha ku qaabilay howlo aan loo igman oo ka baxsan howlaha Wasaaradiisa.
Howlaha uu Eng. Yarisow, kala hadlay Ugandha ayaa waxa ay khuseeyan Wasiirada arrimaha dibadda iyo Waxbarashada, waxa ayna tani qeyb weyn ka noqoneysaa khaladaadka weli ka dhex jira Xukuumada.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Ra’isul wasaaraha dalka uu dhawaan shaaca ka qaaday in si adag ay ula xisaabtami doonaan Wasiirkii ka gudba xeendaabka howlaha loogu tallo galay Wasaaradiisa.

Eng Yariisow ayaa Xukuumada FS ugu magacaaban Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, waxa ayna su’aashu tahay mid aan jawaab loo heyn.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment