Ciidamada Dowladda oo Kordhiyay Howlgalada Amniga Muqdisho Lagu Sugayo (VIDEO)

Bulsha:- Ciidamada dowladda ayaa la galiyay feejignaan horleh oo dhanka ammaanka ah, iyadoo maalmihii la soo dhaafay aad u kordhiyay baarista gaadiidka mara wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Xaalad fooljignaan ah ayaa maanta ka jirta Magaalada gudaheeda, waxaana laga cabsi qabaa in weeraro ay fuliyaan Xoogaga dowladda ka soo horjeeda, maadaama Bisha Soon ay tahay 17, kuna beegan tahay dagaalkii Beder oo Shabaabku ay u adeegsadaan inay qaraxyo fuliyaan.



Isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo dhigay ciidamo badan oo baaraya gaadiidka nooca yar yar ee shaqsiyaadka ay wataan, kuwaasi oo weydiinaya Aqoonsiyo, sidoo kale waxaa la baarayaa Mootooyinka Bajaajka ah oo badanaa loo adeegsado in qaraxyada lagu fuliyo.

Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa maanta ka jira ciriiri dhanka gaadiidka ah, maadaama gaadiidka saf dheer la gelinayo si loo baarayo, taasi oo keenaysa in gaadiidka ay iska daba yimaadaan.

Ciidamada ammaanka oo feejignaan dheeri ah la galiyay ayaa si taxadar leh u baaraya gaadiidka, iyaga oo si wanaagsan ula dhaqmaya shacabka saaran gawaaridaasi.

Taliyeyaasha ciidanka booliska iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in la kordhinaayo hawlgalada lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaalada Muqdisho, loogana hortagaayo isku day kasta oo ay Shabaabku ku doonayaan inay carqaladeeyaan amniga Caasimadda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment