Yaab badanaa Hooyadii ugu yareyd abid oo ku dhashay canug iyada oo shan sano jir ah.

Bulsha:- Waxaa laga yaabaa in aqristow aadan rumeysaneyn maqaalka aan qornay.. ama iney kaa dhaadhacdo in cinwaankeynu uu yahay mid qaldamay hase ahaatee waxa aan idin sheegeyno waa wax run oo aan idinkaga soo xiganay ilo lagu kalsoon yahay.. Haa waa run Linda waxa ey noqotay hooyadii ugu yareyd ebid dunida loo aqoonsaday maadaama ey ku dhashay canug sanadkii 1939 kii 5 sano 7 bilood iyo 21 maalmood.

Lina Mdina waxa ey dhalatay sanadku marka uu ahaa 1933 kii waxa eyna ku dhalatay magaalo yar oo ku taala dalka Peru, sheekada Lina ayaa ku bilaabatay mid iska caadi waxa eyna reerkeeda ka war heleen gabadhooda oo caloosha ey ka weynaaneyso marba marka kasii dambeyso, waxa ey ula carareen Dhaqtar iyaga oo ka baqayey in gabadhooda uu nabar kaga yaala caloosha uuna sababayey bararkan kusoo kordhayo gabadhooda.

waxa ey la aadeen gabadhooda Isbitaal ku yaala isla magaaladii ey ku dhalatay, hase ahaatee dhaqaatiirtii baaritaano badan markii ey sameeyeen waxa ey cadeeyeen in gabadha uur leedahay, Dr Gerard Lusado ayaana gabadha arinteeda ula tagay dhaqaatiirtii kale maadaama uu gacanta ku hayey isbitaalka, waalidkii gabadha ayaa rumeysan waayey hase ahatee bil iyo kadib ayey arintii u xaqiiqowday.

Lina ayaa dhashay wiil culeys kiisu yahay 2.7KG waxa eyna wiilkeeda ugu magac dartay dhaqtarkii la dhibaatooday misana ka dhaliyey Gerard Lusado iyada oo u bixisay wiilkeeda Gerard, Waalidkii dhalay Lina waxaa loo taxaabay xabsi isaga oo lasoo eedeeyey inuu gabadhiisa iibin jiray hase ahaatee in badan kama eysan soo wareegan xarigiisa durba waa lasoo daayey markii lagu waayey wax dambi ah.


Wiilkan yar ee Gerardo waxa uu u heysatay Lina iney tahay walaashiis ilaa uu ka gaaray 10 sano jir kolkaas oo ey uu xaqiiqowday iney hooyadiisa tahay, waxa uu ku geeriyooday da’dii afartamaadka waxa uuna u geeriyooday cudur ka haleelay maskaxda, hase ahaatee hooyadiisa Lina ma eysan sheegin sababta iyo cida ey canugaas u dhashay toona.

Warkan waxaa qortay Majalada La Press ee kasoo baxda dalka Peru waxa aan kasoo xiganay MSN.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment