Xasuus Horre: Markii Kareena Kapoor Guur Ka Diiday Salman Iyo John Kana Raacday Shahid Kapoor

Bulsha:- Maanta baraha bulshada waxaa lasoo dhigay Video xasuus dheer na galiyay kaasi oo ka hadlaayo xili ay dhacday in Kareena Kapoor Khan ay codsi guur ka diiday atoorayaasha caanka ah Salman Khan iyo John Abraham waxayna ka raacday Shahid Kapoor.

Sheekada aan sharaxaad ka bixino waxay ahayd xaflad sanadii 2007 ay masraxeeda wada camireen Kareena, John iyo Salman waxayna goobta ka qaadeen heeskii hirgalay ‘TUJHSE SHAADI KARUNGI’

Hadaba John iyo Salman ayaa Kareena ka dalbanayaan guur laakii ayagoo dhahayaan maku guursanaa waxay ka raaceysaa Shahid Kapoor oo masraxa soo koraayo kuna dhaheyo ma i guursanee kadiba sare ayuu u qaadayaa ama wuu xambaarayaa!

Waa xasuus horre oo aan marnaba la hilmaami karin waxayna Bebo habeenkaas goobta ka muujisay midka ay dooratay inuu Shahid Kapoor yahay sidoo kalena guursan doono.

Sidoo kalena isla xiligaas agteeda Kareena mar ay wareysi bixineesay waxay dhahday “Hubaal ahaan Shahid Kapoor ayaan guursan doonaa waayo ma ihi kuwa hadba xiriir ku boodaan ee qofkaan barto waan ku xasilaa!!”
10-sano ka hor Kareena 100% kalsooni ah ayay qabtay inay Shahid is guursan doonaan laakiin nasiib daro midaas ma dhicin labadaan lamaane nolosha wey isku firaaqeeyeen.

Haatana qof walbo nolo u gaar ah oo farxad ku dheehan ayuu dhexda kaga jiraa, Kareena waxay guursatay Saif Ali Khan oo ay 4-bilood ka hor u dhashay wiil loo bixiyay Taimur Ali Khan.




Sidoo kalena Shahid Kapoor isagan sanadii 2015 wuxuu guursaday Mira Rajput oo sanadkii hore gaar ahaan bishii August gabbar u dhashay loona bixiyay Misha Kapoor.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment