Xabiibi hadii aad ku dareemi waaysay jaceylka aan kuu qabo, Xinjiraha ka dareerayo qalbigeyga, “Qodobada Jaceylka”

Bulsha:- Akhristayaal waxaad kala socoteen barnaamijyo aad u xiiso badan xaga lamaanaha kuwaasoo isbuuciiba hal mar aad ka daalacan jirteen shabakada kobciye.com

Barnaamijkii Qodobada Jaceylka Ee Isbuuclaha Ahaa manta kaga bogo halkaaan haduu EEBE qadaro.

Xabiibi hadii aad ku dareemi waaysay jaceylka aan kuu qabo, aamusnaanta ka muuqato dibnaheyga, naxariista ka muuqato indhaheyga, Xinjiraha ka dareerayo qalbigeyga, marnaba ma dareemi doontid jaceylka aan kuu qabo, xattaa hadii aan ku hadaaqo Waan Ku Jeclahaaaaaaay

Qalbi aduunyada wakhtigeeda waa gaabanyahay, inta aad ila nooshahay marnaba kuuma ogolaan doono indhahaada ineey soo dhaafaan ilmo aan aheyn ilin farxadeed, afkaagana aay soo dhaafaan erayo aan aheyn waan ku jeclahay iyo erayo macaan, dhagahaadana aay maqlaan hadal xun aan ka aheyn xanta aan kugu dareensiinayo inaan xad dhaaf kuu jeclahay

Dhagax hadii mar la tuuro illaa dhulka uu ku dhaco lagama yaabo inuu gacantaada kusoo noqdo, jaceylka qalbigeyga kaaga soo baxayna lagama yaabo inuu dib kaaga noqdo inta aan noolahay..

Mar welbo oo aan arko dhoola cadeyntaada, qalbigeyga wuu joojiyaaa dhaqdhaqaaqa in mudo ah, mar weliba ee aan arko quruxdaada dabiiciga ah, indhaheygu in mudo ahba waxaa u siyaado nuurka aragtida, macaan weligaa ha iga fogaan maadaama aad tahay dhaqdhaqaaqa wadnaheyga, iyo nuurka indhaheyga.

Jaceylku waa Safar aad u dheer kuna dheehan farxad aan dhamaad laheyn, illaa iyo inta noloshaada ka dhamaaneeyso, waa hadii aad haaysato qof si daacad ah safarkaasi kugula qaato noloshaada.

Waxaaa halkaasi kusoo koobeynaa isbuucaan qodobadii jaceylka ahaa ee aanu idiin ugu talo galnay mucaashaqiinta, ha iloobin inaad ka qeyb qaadato barnaamijka cusub ee Suaalaha Mucaashaqa oo aanu isbuucii hal mar kusoo qaadan doono haduu EEBE qadaro.

W/D Ibrahim Ali Abdi ‘Kalafoge’













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment