VIDEO: Wiil Somali Ah Oo Gacantiisa Ku Naqshadeeya Boorsooyinka Xarragada

Bulsha:- Waa qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijka Integration ee ay daadihiso wariye Hodan Nalayeh,  Show-gaan Shaah iyo Sheeko oo aad u xiisa badan ayaa lagu soo bandhigay qodobo kala duwan waxaana ka mid ah, Wiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Omar Munie kaasoo naqshadeeya noocyada kala duwan ee Boorsooyinka sida kuwa iskuulka oo si casri ah loo sameeyay kuwa moobeelada la gashto iyo kuwa xarragada oo tayadoodu aad u sarrayso.

Omar Munie ayaa sheegay in aabihiis kabaha ku samayn jiray magaalada Roma ee dalka talyaaniga. Wiilkaan ayaa sheegay  inuu jeclaa oo uu ku riyoon jiray inuu noqdo naqshadeeye caalami ah, haatana waxaa ku uu  gaaray horumar  la taaban karo.

Wiilkaan ayaa soo dhigtay school lagu barto xarrada (fashion school) waxaana u hadda haysta dukaan wayn oo lagu magacaabo & Omar Munie Clothing & oo ku yaal wadanka Holland si online ahna caalamkoo dhan looga iibsan karo alaabta.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment