U Gaar Dumarka : Ka Fogoow In 4-taan Su`aal Weydiiso Gacaliyahaaga , Jawaabna Kama Bixiyo

Bulsha:- Gabaryaheey waxaa jira arimo dhibaya gacaliyahaaga taasi oo ka dhaleneysa su`aalo aad weydiineyso balse adiga aadan dareemeyn , waxay kala yihin 4 su`aal oo ay ragga dhibsadaan ee gabaryaheey ka fogoow .

1- Goormaa Ayaad Guriga Ku Soo Laabaneysaa : su`aal waliba oo ku biyo shubaneysa xilliga uu guriga ku soo laabanayo waxa ay ka mid tahay wax yaabaha ninka uu dhibsado waayo waxa uu dareemayaa in la cajuubayo , waxaan kuula talineynaa in aad isaga u dayso xadidda goorta uu soo noqonayo .

2- Intee Uu Gaarsiisan Yahay Jaceylka Aad Ii Qabto : ragga qaarkood si weyn uma adeegsadaan erayada ay ku muujinayaan Jacyelka ay lamaanayaashooda u qabaan , haddii uu ninkaada ku yiraahdo waan ku jeclahay meesha ma taalo wax aad ku weydiiso illaa heerka uu gaarsiisan yahay jaceykaas waayo waxa uu aaminsan yahay in eraygaas uu ku filan yahay muujinta waxa laabtiisa ku jira

3- Maxaad Ii Dhihi La`dahay Erayo Macaan Oo Xod-xodasho Leh : Gabaryaheey sharafta leh iska jooji ayaa ku leeyahay in ninkaada ku qasabto in uu ku yiraahdo oraayho ammaan iyo mahad celin ah , kullamaa uu ninkaada uu ku jecel yahay isaga ayaa sameenaya fal waliba oo uu kugu farxad gilin karo una daa erayadaas in iskiisa isaga uu ku yiraahdo .

 4- Maxaad Ka Fikireysaa Haatan : waa hubaal waxa ay ku leedahay %90 waxa uu kugu jaawabayaa “Waxna” waa hubaal maxaa dhacay ayaad raaceneysaa hadaba iska jooji su`aasha noocaas ah .

Haddii ninka u doonayo in uu arin kaala hadlo iyo waxa uu ka fikirayaba dhab ahaan isaga ayaa sameynaya adiga oo aan weydiin balse haddii aad aragto in uusan dooneyn in uu kala hadlo ugu yaraan waxa uu u baahan yahay waqti ee su`aalaha noocaas ah haku dhibin odayga.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment