Sidee Lagu Heli Karaa Saaxiib Wanaagsan? Aqri 4-tan SIR!

Bulsha:- Dad badan ayay ku adagtahay inay helaan saaxiibo wanaagsan oo tayo leh. Inaad yeelato saaxiib fiican waxay muhiim u noqon kartaa hormarka iyo farxadda noloshaada.

Saaxiibbada wanaagsan waxay caawinaad ku siin karaan waqtiyada ay kula soo gudboonaadaan xaallado adag,sida, wel-welka,isku-buuqa,geerida iyo IWM.

Siyaabo kala duwan ayay bulshada u cabbirtaa,qofka uu yahay saaxiibka wanaagsan,dabcan waxaana dhici karta inay jiraan astaamo lagu xulan karo Rafiiqaaga cusub.



Haddaba,shabakaddan wararka arrimaha bulshada ee bulsha.com ayaa ku soo xushay sida ugu habboon ee lagu heli karo saaxiib fiican.

1- Booqo meelaha ay ku kullanto bulshada: Si aad u la kullanto dad fiican oo aad u sameysato saaxiibo wanaagsan waxaad u baahantahay inaad tegto goobaha soo-jiidashada leh ee ay issugu yimaadaan dadka.Marka aad mar-marto waddooyinka,oo aad u Shaah doonato meelaha Jardiimmada” Beeraha lagu nasto” waxaad markaas joogtaa boos heer sare ah oo lagu kasban karo saaxiibo cusub.

 2-Ku biir Naadiyada ciyaaraha ama ururrada kale :Ka raadi deegaankaaga haddii ay jiraan kooxo Sport, bulsho ama kuwoo siyaasadeed.Ogow ma tihid qofka qura’ ee raadinayo inuu helo saaxiib cusub ee waxaa jira dad qaba baahiyahaaga oo kale.

 #Haddii aad tahay HOOYO,Waxaad ku biiri kartaa urrurda Hooyooyinka.Halkaas ayaa ah goob ay Hooyooyinku isku wareystaan oo ay kaga hadlaan arrimaha Carruurtooda iskuna bartaan.

# Haddii aad jeceshahay Fanka iyo Suugaanta,ku biir kooxaha Fanaafiinta ee kaa ag-dhow.markaas waxaad fursad u heli doontaa inaad la kullanto dad aad isku Hiwaayad tihiin oo aad si un isku fahmi kartaan.

 3-Ka qeyb-gal Xafladaha: Isku day inaad goob joog ka noqoto Aroosyada iyo caweysyada ka dhacaya agagaarkaaga iyo meelaha ay macquulka tahay inaad tegi karto.Goobahan waxay fursad kuu siinayaan inaad isku soo bandhigto oo uu ugu yaran qof kaa heli karo.Hana iloobin inaad u labisato qaab sare.

# Inaad ku dhex-jirto bulshadaada waxay saameyn ku leedahay helidda saaxiibada kugu haboon.

 4- Ku biir baraha bulshada ee lagu xiriiro:Raadi Qolol looga doodo arrimo xiiso leh oo ay qeyb ka yihiin dad badan.Baraha bulshada waa meelaha ugu muhiimsan ee saaxiibada laga helo.Facebooga,Twitter-ka,Whatsapp-ka ayaa ka mid ah baraha loogu isticmaalka badan yahay.

La soco qeybta 2-aad ee maqaalkan dhowaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment