Salman Khan Asigoo Cabsan Ayuu Hada Ka Hor Sadaaliyay In Katrina Iyo Ranbir Kala Hari Doonaan!!

Bulsha:- Waxaa lasoo bandhigay arin xiiso badan oo aysan dadka waxba ka ogeyn waxayna ku saabsan tahay kala tagii Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor oo dhawaan nolosha isku faaruijiyeen.                                                                                                                                            
Hadaba waxaa la sheegay in Mega Star Salman Khan uu sadaaliyay dhowr sano ka hor asigoo qamri cabsan in Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor kala haridoonaan.Waxaa la sheegay dhowr sano ka hor Salman Khan oo qamri cabsay xili habeen ah inuu Katrina booqday sidoo kalena kaga digay xiriirka ay la leedahay Ranbir.                       


Salman ayaa Katrina u sheegay in Ranbir uu meel cidlo ah kaga tagi doono sidoo kalena ay dib kaga shaleyn doonto inay Ranbir jecel la wadaagtay.                          

Madaama Salman Khan uu qamri cabsanaa hadalkiisa Katrina waxba kama soo qaadin habeenkaas waxaana goobta ka waday darawalkiisa qaaska ah. Balse hadalkii Salman Khan habeenkaas afkiisa kasoo baxay dhawaan ayuu run noqday madaama Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor si rasmi ah u kala hareen!!!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment