Raggu maxey ku jecelyihiin Dumarka Dhabarka Go’dan?

Bulsha:- Diraasad ay sameysa jaamacadda Texas ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay faahfaahin ku aaddan sababaha ay raggu u jecelyihiin dumarka dhabarka ka godan ama dhabar daacada leh, taasoo ah dhacdo cusub oo caalamka beryahan ka jirtay kana duwan sida ay ahaan jirtay waayihi hore, waxaana lagu sheegay diraasadan in markasta oo ay dumarku leedahay dhabar daaco muuqato ay raggu aad uga helaan beryahan, waxayna tusaale usoo qaateen xiddigta Kim Kardashian.

Diraasaddan waxaa lagu sheegay aragtida ragga ay ku qotonto in sida ugu fiican gabadha jirkeedu noqdo ay tahay in laf dhabarkeedu godantahay in la eg 45.5 darajo, waxayna seynisyahannadu ku magacaabeen “xagasha ugu habboon ee laf dhabarka”.

 Diraasadan waxaa lagu sameeyay 100 nin oo mutadawiciin ah, kuwaas oo loo soo bandhigay sawirro dumar leh dhabar daaco, ragga intooda badanna waxa ay doorteen sawirrada leh xagasha 45 darajo.

David Bass oo ka mid ahaa dadki diyaariyay diraasaddan waxa uu leeyahay: hab dhismeedkan laf dhabarta dumarka waxa ay u suuragelineysaa inay culeyska si siman ugu qeybiso miskaha marka ay wax sidaan, dumarka noocan ahna kuma badna jajabka laf dhabarta, sidoo kale waxaa aad ugu fudud habka naas nuujinta. Balse ragga waxa ay ku doorteen dumarkan waa rabitaanka inay helaan qoys carruur badan.

Culimada cilmu nafsiga waxa ay xaqiijiyeen in dumarka laf dhabartooda xagasheeda ka yartahay ama ka weyntahay 45 darajo ay intooda badan ku fashilmaan inay dhalaan carruur badan oo bad qabta.

Qalinkii Fanax Fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment