MUUQAAL: RW. Khayre oo ku dhaartay Inuu Diyaar u yahay inuu dalka u dhinto (Khudbad Qiiro Badan oo uu Jeediyey)

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi labo cisho ah oo ay xubnaha Golaha Wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka Xukuumadda, Waxaana Kulanka lagu Gorfeeyay qorshe-howlleedka xukuumada iyo sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo ka tarjumeysa barnaamijka xukuumadda.


Sidoo kale ujeedada kulankan wadatashiga ah ayaa ah dhaqangelinta barnaamijyada isku xirka bulshada iyo daawladda, loogana hadli doonaa sidii loo dhaqangelin lahaa dawlad wanaag, isla xisaabtan, furfurnaan iyo u-adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Wasiirada looga fadhiyo inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed. “Xukuumaddu waa inay horumuud ka noqotaa dardargelinta waxqabadka dowladda si loo kordhiyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah hirgelinta barnaamijka xukuumada. Aniga ka Ra’iisul Wasaare ahaan waxaan diyaar u ahay inaan furumaha dagaalka tago oo aan ciidanka geesiyaasha la wadaago daruufaha adag oo ay ku howlgalayaan, waxaana diyaar u ahay Wallaahay inaan nafteyda ku waayo oo aan u huro difaaca shacabka.” Ayuu yidhi.

Kulankan wadatashiga ah ee labada cisho ayaa lagu lafagurayaa arrimaha ay dowladu siisay mudnaanta sida ka hortaga abaaraha, soo celinta amniga & nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, gaarsiinta doorashooyin hal cod iyo hal qof ah, dib-u-heshiisiinta, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo xiriirka caalamiga ah. Khubaro ku xeel dheer arrimaha mudnaanta leh ayaa jeedin doona casharo wasiirada loogu sharaxayo xaalada dalka iyo sida loo gaari karo in waxqabad dhab ah lala yimaado.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment