Maxaa Isku Keenay Bollywood Actor Ali Fazal Iyo Paris Jackson Heesaagii Caanka Ahaa Michael Jackosn Gabadhiisa

Bulsha:- Bollywood Actor Ali Fazal oo sidoo kale mararka qaar sameeyo filimada Hollywood-ka ah ayaa la arkay inay beryahan isku badan yihiin Paris Jackson oo ah gabadha uu dhalay heesaagii caanka ahaa Michaeal Jackson.

Ali Fazal todobaadkan oo dhan wuxuu ku sugnaa magaalada Los Angeles si uu u saxiixdo filimo caalami ah wuxuuna halkaas kula kulmay filim sameeyayaal Hollywood ah iyo Paris Jackson.

Sidoo kale kulanka Ali Fazal iyo Paris Jackson waxaa goob joogu u ahayd atirishada Richa Chadha oo Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena dalka Mareekanka u tagtay soo bandhigida filimkeeda ugu horeeyay ee Hollywood ah Love Sonia.

Waxaa la sheegay in Ali Fazal iyo Richa Chadha ay kala hadleen Paris Jackson sidii ay u wada sameyn lahaayeen Album Muusig caalami ah kaasi oo dunida dhan ka wada gadmi karo.

Ali Fazal wuxuu muuqaal marti ah ku yeeshay filimkii weynaa ee Hollywood-ka ahaa Fast & Furious 7, haatana wuxuu soo wadaa filim uu door dhameestiran ku leeyahay ee lagu magacaabo Victoria and Abdul wuxuuna la jilaa ruug cadaaga weyn Dame Judi Dench.




Ali Fazal hawlihiisa Bollywood-ka waxaa ka mid ah in sanadkii hore u guuleestay filimkii Happy Bhaag Jayegi ee uu la jilay Diany Penty, Abhay Deol iyo Jimmy Shergil haatana wuxuu duubis ku wadaa filimka Fukrey 2 oo la daawan doono bisha December ee dabyaaqada sanadkaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment